Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa gaaray dhulka Xarameynka, isagoo doonayo inuu ka qayb galo kulan ay yeelan doonaan golaha iskaashiga Khaliijka oo ka dhacaya magaalada Riyaad caasimadda Aala-Sucuud.
Wafdiga Obama oo ka degay gelinkii dambe ee maalintii shalay garoonka Amiir Al-khaalid ayaa waxaa soo dhaweyntiisa laga dareemayay hoos u dhac aad u xoogan, waxaana sida horey looga bartay soo dhaweyn jiray boqorka Aala-Sucuud iyo ku xigeenadiisa.
Obama waxaa soo dhaweeyey amiirka magaaalada Riyaad iyo wasiirka arimaha dibadda ee Aala-Sucuud waxaana taas ay muujineysaa halka uu marayo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood.
Obama ayaa dhawaan wareysi uu siiyay wargeyska Atlantic waxa uu weerar toos ku qaaday Xukuuumadda Aala-Sucuud oo uu ku tuhmay iney iyadu mas’uul ka tahay fakarka Jihaadiga ah ee ku faafaya Caalamka Islaamka, waxaana hadalkaas uu aad uga careysiiyay Xukuumadda Aala-Sucuud.
Cilaaqada dowladaha Mareykanka iyo Aala-Sucuud ayaa mareysa meeshii ugu xumeyd abid, waxaana haatan muuqata in Mareykanku ka jeestay Aala-Sucuud uuna haatan xaliif ka dhigtay dowladda shiicada ah ii Iiraan.