HomeAll newsInkabadan 100 Askari oo Rawaafida labadii maalmood ee ugu dambeysay looga dilay...

Inkabadan 100 Askari oo Rawaafida labadii maalmood ee ugu dambeysay looga dilay dalka Ciraaq.(Warbixin)

373Dalka Ciraaq oo maalmihii aynu soo dhaafnay marti gelinaya dagaallo Malaaxim ah oo u dhexeeya Ciidamada Mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah iyo Maleeshiyaadka Rawaafida oo is kaashanaya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in khasaare lixaad leh la gaarsiiyay Maleeshiyaadka Rawaafida.

Mujaahidiinta oo isticmaalaya qaabab kala duwan oo ay ku waxyeeleyn karaan Rawaafida ayaa qaaday weeraro kala duwan oo ay ku jiraan Istish-haadiyiin, Iqtixaam, iyo duqeymo intuba, taasna waxay keentay in Rawaafida dharbaaxyo kulul lagu dhufto.

Meelaha dagaallada ugu kulul marti gelinaya waxaa kamid ah gobolka Al-Anbaar oo ah macqalka Sunniyiinta dalka Ciraaq, waxaana Rawaafida oo isku dayaya iney awoodooda ku ballaariyaan gobolkaas ka hor imaanaya Taxadiyaad dhanka amniga oo aad u xoogan, taas oo ay awoodi la’yihiin iney ka gudbaan.

Saraakiil katirsan Rawaafida oo qarsan waayay Jabkooda ayaa la hadlay Tvga Aljazeera qaybtiisa afka Carabiga, waxaana ay sheegeen in labadii maalmood ee ugu dambeysay laga dilay wax kabadan 100 Askari, halka dhaawacyaduna ay fara badan yihiin, waxaana ay sheegeen in lasoo saaray culees xoogan.

Sida ay sheegayaan Saraakiishan, Ciidamada Mujaahidiinta ayaa aad u isticmaalaya Camaliyaadka Istish-haadiga ah, waxaana dagaallada ugu kulul ay ka socdaan nawaaxiga magaalada Al-Karama ee dhacda duleedka Falluuja.

Mucaskar lagu magacaabo Dhaariq oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Rawaafida iyo kuwa Xashdu Shiiciga ah ayaa lagu weeraray Camaliyad Istish-haadi ah, waxaana lagu dilay 14 Askari oo labo kamid ah ay yihiin Saraakiil sar sare, halka dhaawucna uu gaaray inkabadan 20 Askari.

Dhanka kale weerar kan lamid ah oo ka dhacay meel u dhow saldhiga Caynul Asad ayaa lagu xasuuqay Shiicada, waxaana Mujaahidiintu ay weerarkaas u adeegsadeen wax waliba oo ay awoodaan, taas oo keentay In markii dambe ay ku dilaan 25 Askari halka tobanaan kalena ay dhaawcmeen, waxaana iska suura gal ah in Rawaafidu aysan ka run sheegeynin khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray.

Sida muuqata waxay dowladda Islaamiga ah isku dayaysaa iney go’doonka ka qaado magaalada Taariikhda dahabiga leh ee Falluuja, taas oo dhowr bilood oo xiriir ah ku jirta go’doon halakeeyey dadkii iyo duunyada.

Majirta magaalada wax soo gali kara ama ka bixi kara, waxaana Rawaafida ay isticmaalayaan siyaasadda Gaajeysiinta loo yaqaano, taas oo sida ay iyagu moodayaan keeni karta iney is dhiibaan dadka Muslimiinta, balse Reer Falluuja sidii ay Ameerikaanku u quusiyeen ayay haatanna u quusinayaan Rawaafida caanka ku ah Aflagaadada Saxaabada Rasuulka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular