HomeAll newsGolaha Wasiirada Yahuuda oo ku kulmaya Jowlaan.

Golaha Wasiirada Yahuuda oo ku kulmaya Jowlaan.

441
Maanta oo Axad ah waxay golaha Wasiirada ee Yahuuda kulankooda todobaadlaha ah ku qaban doonaan dhulka Jowlaan ee Yahuuda xooga uga heystaan dalka Suuriya, waxaana kulankaas hogaaminaya Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Bin Yamin Natanyahu.

Kulanka golaha Wasiirada Yahuudda oo todobaad kasta dhaca ayaa ka duwan kuwii hore u dhici jiray marka laga hadlo goobta lagu qabanayo oo kamid ah dhulka Yahuuda xooga uga heysto Muslimiinta.

Saxaafadda Yahuuda noocyadooda kala duwan ayaa aadu hadal heysa kulanka maanta, waxaana la sheegayaa in Ra’iisul wasaaraha Yahuuda uu damacsanyahay in halkaas uu ka sheego in Yahuuda aysan waligooda ka tanaazuli doonin dhulka buuraleyda ah ee Jowlaan.

Ciidamo aad u farabadan oo katirsan Yahuuda ayaa lasoo dhoobay deegaanada xuduud beenaadka ah, waxaana laga cabsi qabaa in Jihaadiyiinta dhanka Suuriya ku sugan ee xuduudana jooga ay weeraro ku qaadaan Kulanka golaha wasiirada Yahuuda oo ka dhacaya meel aan sidaas uga fogeyn goobta ay ku sugan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular