Diyaaradaha Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo kuwa Ruushka ayaa duqeymo xoogan oo Arxan darro ah waxay ka geysteen magaalada Xalab iyo deegaanno hoos yimaada, kuwaas oo ay maamulaan kooxaha Mucaaradka ee kasoo horjeeda Bashaar.
Duqeymaha oo gaaraya illaa 30 duqeyn ayaa waxaa ku shahiiday dad gaaraya 30 ruux oo Caruur iyo dumar ay ku jiraan, halka dhaawacyadu ay gaarayaan kudhowaad 100 ruux oo dhamaantooda shacab ah.
Wariyaha Aljazeera ee Xalab ku sugan ayaa soo sheegay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwa aad u culus islamarkaana is bar bar socday, waxaana uu intaas ku daray in marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca ay jiraan burburka goobo ganacsi oo ay dad Muslimiin ahi lahaayeen.
Xaafadaha Al-Shicaar, Al-Kalaasa, iyo Karamul Biik ayaa kamid ah xaafadaha ay duqeymu ka dhaceen islamarkaana xoogoodo lala beegsaday, waxaana duqeymahan ay imaanayaan iyadoo dowladda Ruushka ay wali si cad oo muuqata duqeymo uga fulinaysa gobollada kala duwan ee Suuriya.