HomeAll newsQarax lagu laayay Shaqaale katirsan dowladda Paakistaan.

Qarax lagu laayay Shaqaale katirsan dowladda Paakistaan.

441Wararka ka imaanaya dala Pakistaan ayaa sheegaya in waaberigii saaka qarax xoogan lala eegtay Shaqaale katirsan qaybhaa kala duwan ee Xafiisyada dowladda, kuwaas oo marayay magaalada Bishawar.

Qarax oo ahaa mid xoogan islamarkaana jugtiisa laga maqlay meelo fog fog. Waxa uu haleeley gaari Bas ah oo ay lasocdeen shaqaale katirsan dowladda Pakistaan, waxaana halkaas ka dhashey khasaare lixaad leh oo soo gaarey dadkii la beegsaday.

Sida uu sheegey masuul la hadlay warbaahinta, Qaraxa waxa uu ka dhacay meel aad u buuq badan oo ku taala deegaanka Sadri, waxaana masuulkan uu intaa ku daray in loo maleynayo in Qaraxa lagu soo dhejiyey Baabuurka, islamarkaana sidaas uu ku qarxay.

Wax uu intaas ku daray in Gaariga ay saarnaayeen dad tiradoodu u dhexeyso 50 illaa 60 Ruux, kuwaas oo badankooda dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxa.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Qaraxaas ay ku dhinteen 16 Ruux, waxaana suura gal in tirada ay intaas ka badato maadaaama ay jiraan dhaawacyo liita oo Cisbitaallada la dhigay.

Sida ay sheegtay Aljazeera waxaa weerarka sheegtay Xarakada Dhaalibana Paakistaan oo afahayeen u hadlay oo u waramaya Aljazeera uu xaqiijiyey iney iyagu ka dambeeyaan weerarka, waxaana uu jawaab u ahaa tallaabo dowladda Pakistaan ay dhawaan ku dishey nin lagu magacaabo Mumtaazi oo horey u dilay gudoomiyihii gobolka Bunjaab kaas oo u sacyinayay in la cafiyo haweeney meel kaga dhacday sharafka Rasuulka Scw.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular