Wabiga shabelle oo mara qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya ayaa yareeyay biyihii inkastoo lagu jiro xili jiilaal ah.
Dadweynaha ayaa dhex maraya wabiga taasi oo muujinaysa inuu guray wabiga.
waxaa is badal uu ku yimid dhadhanka biyaha iyo midabkooda.
Dadka ku nool hareeraha wabiga ayaa waxaa saameeyay isbadalka ku yimid biyaha wabiga.
sababta wabiga uu uguray ayaa Gudoomiyaha Hiiraan Yuusuf Dabageed ku sheegay in Itoobiya ay xirtay biyihii wabiga soo gaari jiray kadib markii ay sameysay biyo xeroono ku fadhiya dhul baaxad leh.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa arinkaan si weyn kaga soo horjeestay iyagoo ku tilmaamay cunoqabatayn ka dhan ah Soomaalida.