HomeAll newsMaraykanka Oo Sheegay Inaan La Aqbali Karin Khilaafka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Maraykanka Oo Sheegay Inaan La Aqbali Karin Khilaafka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Safiirka Maraykanka u fadhiya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Richard Riley, ayaa waraysi uu siiyay warbaahina Codka Maraykanka, wuxuu ku sheegay in Maraykanku aad uga walaacsanyahay khilaafka ka dhex taagan Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Richard Riley ayaa sheegay, in Maraykanku ka go’antahay sidii loo dhex-dhexaadin lahaa Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, isagoo tilmaamay in marnaba aaney ogoleyn in khilaafkan uu sii xoogeysto, kana baxo masaarka diblumaasiyadeed ee uu hadda ku socdo.

Wuxuu tilmaamay safiirka Maraykanka ee magaalada Muqdisho, iney rajo fiican ka qabaan wareega sadexaad kulanka la filayo in magaalada Ankara ku yeeshaan todobaadka soo socda wasiirada arimaha dibadda ee Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Mar la weydiiyay iney taageerayaan howlgalka ciidamada Shisheeyaha ee magaca loo bedelayo sanadka cusub ee 2025-ka, Masarna ay qeyb ka noqon doonto sida la filayo, ayuu sheegay in Maraykanku ka go’anyahay taageerada howlgal kasta oo ay dowladaha Afrikaanta ah ka sameynayaan dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular