Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal maalintii shalay ka dhacay, degaanno katirsan gobolka Mudug, deegaannada lagu dagaallamay ayaa hoostaga degmada Towfiiq.
Dagaalkan oo halkaasi kasocday maalimihii lasoo dhaafay, ayaa udhaxeeyo labo malleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan, isagoo sababay barakac ay sameeynayaan dadkii deganaa aggaa dagaalku ka socdo.
13 qof ayaa la sheegay iney gaartay tirada dhimashada, halka dhaawacyaduna ay kor udhaafayaan illaa 27 qof.