HomeAll newsSaakow oo ku tilaabsatay Horumar Ganacsi.(Maqal+Sawiro)

Saakow oo ku tilaabsatay Horumar Ganacsi.(Maqal+Sawiro)

Magaalada Saakow oo dhacda gobalka jubada dhexe ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tilaabsatay horumar dhanka waxbarashada iyo ganacsiga ah.

Madaaris badan oo ay wax ku bartaan haween iyo rag ayaa ka furan Magaalada.

xaafadaha Magaalada ayaa lagaliyay biyo laga keenay wabiga,waxaana Magaalada kusoo badanaya shirkado bixiya adeegyo muhiim u ah Bulshada oo loo baahnaa.

Maalintii talaadada xaflad la qabtay ayaa laga iclaamiyay in Magaalada laga furay Maqaayad Caalami ah oo lagu magacaabo Qaahira.

Maqaayada Tan oo ay shirko ku yihiin shan ruux ayaa waxaa ku baxay lacag dhan 45 Kun oo doolarka Maraykanka

Raashin aad umacaan oo lacag la’aan ah ayaa halkaasi lagu cunay.

Dhowr Nuuc ayay ushaqeyn doontaa Maqaayada, waxaana lagu Karin doonaan Naaf geel ah iyo Ari.

Shaqaale gaaraya 20 Ruux oo qaar kamid ah laga keenay Magaalada Muqdisho ayaa shaqo ka helay Maqaayada.

Sheekh Xasan Yacquun Cali Waaliga Galgaduud ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay Furitaanka Maqaayada.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixinta Maqaayada Alqaahira.

Sawirada.


RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular