HomeAll newsMaraykanka oo Xiray Muslim Lagu Eedeeyay Inuu Damacsanaa Weerar Ka dhan ah...

Maraykanka oo Xiray Muslim Lagu Eedeeyay Inuu Damacsanaa Weerar Ka dhan ah Yahuudda.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay maalintii shalay gacanta ku dhigtay nin udhashay dalka Pakistan, kaas oo ay ku eedeysay inuu qorsheynayay fulinta weerar ka dhan ah Yahuudda oo ka dhaca gudaha Mareykanka.

Ninka ay gacanta ku dhigeen ee udhashay dalka Pakistan ayay sheegeen inuu ku noolaan jiray dalka Canada, haddana uu qorsheynayay inuu Yahuudda ku beegsado magaalada New-york ee dalka Mareykanka.

Wasaaradda waxa loogu yeero cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay, in ninkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Maxamed Shahziib Khaan da’diisuna tahay 20 jir uu isku dayay, in Mareykanka uu ka fuliyo weerar uu dhiig badan ku daato, kaas oo beegsanayo Yahuudda.

“Eedeysanaha waxa uu qorsheynayay in sannadkaan uu Mareykanka ka fuliyo weerar  Argagixiso oo lagu dilo tirada ugu badan ee ay suuragal tahay oo Yahuudda katirsan” ayuu yiri wasiirka waxa loogu yeero wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Washington.

Mareykanka ayaa kaalinta koowaad kaga jira dowladaha reer-galbeedka ee taageerada xooggan la garab taagan Yahuudda xaaqidiinta ah, waxa uuna had iyo jeer ku celceliyaa inuusan marnaba kala laba labeyn doonin inaalinta masaalixda Yahuudda, ayna ku bixinayaan wax waliba oo karaankooda ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular