HomeAll newsDad Soomaali ah Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Kenya.

Dad Soomaali ah Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Kenya.

Shil gaari ayaa ka dhacay deegaanka Bangala ee ismaamulka Tanarifa ee dalka Kenya, kaasoo geystay khasaare baaxad leh.

Gaariga shilka galay ayaa ahaa nooca baska ee dadweynaha, waxaana saarnaa kontameeyo ruux, xilliga uu shilka galayay ayuuna tartan xaga xawaaraha kula jiray gaari kale oo bas ah.

Ugu yaraan 12 ruux oo Soomaali u badna ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shhilkan, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna dhacay aroornimadii hore ee maalintii shalay oo Jimco ahayd.

Gaariga oo ka baxay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa kusii jeeday gobolka Mandera oo kamid ah dhulka soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysiga ku heysato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular