Dowladda Imaaraadka ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah diyuuradaheeda dagaalka ee howlgalka kawada dalka Yaman ay soo dhacday kadib markii ay lasoo deristey cillad farsamo.
Bayaan kasoo baxay Hogaanka Ciidamada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in diyaaradan oo nooca dagaallada loogu talagalay ah ay ku dhacday Buur weyn, taas oo keentay in durba ay burburto diyaarada islamarkaana uu halkaas ku geeriyoodo duuliyaheeda sida la aaminsayahay.
Diyaaradan ayaa duqeymo xoogan ka geysanaysay goob ay ku sugnaayeen Rag Mujaahidiin ah sida ay Warbaahintu sheegayeen oo katirsan Al-Qaacidad Jaziiradda Carabta, waxaana inta aysan soo dhicin la kuluntey iskacaabin xoogan, taas oo keentay iney Jah wareerto kuna dhacdo Buur aysan arkeynin.
Goobta ay diyaarada kusoo dhacday waxaa mar dambe yimid Ciidamo Imaaraad ah kuwaas oo raadinaya duuliyihii diyaaradda, balse wali kuma guuleysan.
Dowladda Imaaraadka ayaa kamid ah taxaalufka ay hogaamiso Xukuumadda Aala-Sucuud ee duqeymaha kawada dalka Yaman, waxaana mudooyinkii dambe Taxaalufkan uu bilaabay inuu duqeeyo Mujaahidiinta Yaman.