HomeAll news15 Ruux oo ku Dhintay Duufaanno ku Dhuftay Mareykanka.(Warbixin)

15 Ruux oo ku Dhintay Duufaanno ku Dhuftay Mareykanka.(Warbixin)

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in khasaare nafeed uu ka dhashay duufaanno ku dhuftay qaar kamid ah goballada dalkaas.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen duufaanno ku dhuftay goballada Texas iyo Oklahoma ee gudaha dalka Mareykanka, sida ay tabisay warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa masuuliyiin American ah.

Qolyaha gurmadka ayaa wada holwgallo ay ku baadi goobayaan dad la rumeysan yahay iney ka badbaadeen duufaannada, kuwaas oo la sheegay iney ku hoos jiraan buburka dhismayaal soo dumay sababo ku aaddan duufaanta, taas oo sidoo kale sababtay iney korontadu ka go’do degaanno badan oo katirsan labadaan gobal.

Hey’adda saadaasha hawada ee dalka Mreykanka ayaa tirakoob ay soo saartay waxa ay ku sheegtay, in tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay ay diiwaan galisay 25 duufaanno ah oo ku dhuftay Mandiqadda.

Woqooyiga magaalada Dalas ee gobalka Texas waxa ay duufaantu ku dishay ugu yaraan 7 ruux, sida uu sheegay gudoomiyaha magaaladaas.

“Nasiib darro tiradaani wey kordhi kartaa, waxaana socda howlaha lagu baadi goobayo dadka maqan, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin baaxad leh oo ka dhashay duufaanta” ayuu yiri gudoomiyaha degaan katirsan magaaladaan ay duufaantu ku dhufatay.

2 Ruux ayaa iyagana ku dhintay galbeedka gobalka Oklahoma ee dalka Mareykanka, sababo ku aaddan duufaannada, sida uu baahiyay Telefishin maxalli ah oo soo xiganaya masuuliyiin American ah.

Gobolka Arkansas duufaanno ku dhuftay waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 5 qof, sida laga soo xigtay kanaalka maxalliga ah ee maamulka gobalka.

Sawirro lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaal dhowr ah, ballayaasha korontada oo dhulka yaalla, iyo geedo waaweyn oo soo dumay, iyadoo hal ruux la xaqiijiyay inuu ku dhinray duufaan ku dhufatay degaan katirsan gobalka Kentucky ee gudaha Mareykanka.

Ku dhawaad 500,000 oo guri ayaa lasoo warinayaa iney Korontadu ka go’antahay tan iyo maalintii shalay, kuwaas oo ku yaalla goballada Texas iyo Oklahoma oo ah kuwa saameynta ugu badan ay ku yeelatay duufaanta, iyadoo ay isa soo tarayaan digniinnada la xiriira duufaannada nuucaan ah.

Musiibooyinka Rabaaniga ayaa ku badan dalka Maraykanka, waxaana ugu wacan dulmiga iyo xadgudubka ay dowladan ka wado caalamka, kaas oo saameeyay gaal iyo muslimba, walow ay dhibaatadu ku badantahay Muslimiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular