HomeAll newsDagaallo Culus oo Markale ka Dhacay Magaalada Al-Faashar ee Dalka Suudaan.(Warbixin)

Dagaallo Culus oo Markale ka Dhacay Magaalada Al-Faashar ee Dalka Suudaan.(Warbixin)

Markale waxaa magaalada Al-Faashar oo ah caasimadda gobalka woqooyi ee Daarfuur ka dhacay iska hor-imaaadyo xooggan oo udhexeeya ciidamad millatariga Suudaan iyo Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah.

Hey’ad dowli ah ayaa shaaca ka qaaday, in tan iyo galabnimadii maalinta Sabtida ay magaalada ka socdaan dagaallo qaraaar oo udhexeeya labadaan dhinac, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyo barakaca in ka badan 1,500 oo qoys, kuwaas oo isaga qaxay guryihii au ku lahaayeen magaaladaan caasimadda u’ah gobalka woqooti ee Daarfuur.

Ila wareedyo maxalli ah oo warbaahinta laa hadlay ayaa waxa ay sheegeen, in silsilado duqeymo ah lalaa beegsaday fariisimo ay maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ku leeyihiin magaalada, iyagoona intaaa ku daray in ciidamada millatariga Suudaan ay howlgallo Inzaal ah ka fuliyeen magaalada, halka kuwa gurmadka degdegga ah ay duqeymo loo adeegsaday madaafiicda goobta iyo gantaallo culus ku garaaaceen bartamaha magaalada iyo degaannada hoosyimaada ee ku yaalla woqooyiga iyo koonfurteeda.

Taliska millatariga ciidamada Suudaan ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in ciidamadiisa iyo kuwa kale oo taabacsan ay usuuragashay in Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ay ka saaraan xuduudda bari ee magaalada Al-Faashar oo ah caasimadda wilaayada woqooyi ee Daarfuur.

Warka kasoo baxay millatariga ayaa sidoo kale lagu shaaciyay, in khasaare xooggan oo naf iyo maalba leh dagaalladaan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka uu hogaamiyo Xamdaan Doqlo, islamarkaanaa ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Maleeshiyaadkaan.

Tan iyo bishaan May ee hadda socota, waxaa magaaladaan ay iska hor-imaaadyo culus ku dhex maarayaaan ciidamada millatariga Suudaan oo garab ka helaya maleeshiyaad xulafo la’ah iyo kuwa gurmadka degdegga a, iyadoo ay isa soo tarayaaan digniinnada laga soo saarayo saameynta xun ee ay magaalada Al-Faashar ku yeelan karaan dagaalladaan, taas oo ah magaalada ay ku tiirsan yihiin dhammaan degaannad ku yaalla wilaayaadka Daarfuur.

Gudoomiyaha gobalka ayaa Maleeshiyaadka gurdka degdegga ah ku eedeeyay iney ku kaceen gaboodfallo isir sifeyn ah, intii ay geysanayeen duqeymo cashawaa’i ah oo ay ku garaaceen guryo iyo goobo caafimaad oo ku yaaalla magaaalada, ujeedka duqeymahaas ayuuna xusay iney ahaayeen si dadka looga barakiciyo caasimadda gobalka wqooyi ee Daarfuur.

War qoraal ah oo uu gudoomiyuhu kusoo qoray baartiisa “X” ee horay loo oran jiray Twitter ayuu ku sheegay, in isbitaalka Koonfureed ee magaalada Al-Faashar laasoo gaarsiiyay 82 ruux oo dhaawacyo ah, kuwaas oo u badan haween, caruur iyo dad da’ah, iyadoo ay intaasi dheertahay 30 ruux oo ku dhintay dagaallada.

Millatariga Suudaan ayaa wali ku adkeysanaya sidii uu uga adkaan lahaa maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, halka fallaagadaan oo ku tiirsan Imaaraatka Carabta ay iyaguna ka go’an tahay sidii ay uwiiqi lahaayeen awoodda xukuumadda, islamarkaaana ay gabi ahaanba meesha uga saari lahaayeen nidaamka uu hogaamiyo C/fataax Al-Burhaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular