HomeAll newsSomaliland: Xaalufinta Dhirta oo Sababtay In Ay Dabar Go' Ku Dhawaato Ugaadha.

Somaliland: Xaalufinta Dhirta oo Sababtay In Ay Dabar Go’ Ku Dhawaato Ugaadha.

Gobolada waqooyi galbeed waxaa saameyn xooggan iyo dhex gal ku leh dowlado iyo hey’ado shisheeye kuwaasoo muddo dhowr sano ah baaba’ ku hayay degaanka iyo noolaha ku nool.

Jarista dhirta iyadoo laga sameynayo dhuxul qaarna iyadoo aan la gubin dibadda loo dhoofinayo ayaa sababay in dhul badan oo hawd ahaa uu noqdo meel saxare u eg oo lama degaan ah.

Waxaana halkaa isaga cararay ugaartii wixii ka badbaaday dilka iyo dhoofinta. Aqoonyahan lagu magacaabo Maxamad Xasan oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa saxaafadda u sheegay in arrintan ay dhibaato weyn ku hayso degaanka iyo bulshadaba.

Maxamad ayaa intaa ku daray in xaalufintu ay si gaar ah u saameysay dhulkii hawdka ahaa iyo meelaha buuraga leh oo laga jaray badi dhirtii ku taallay, waxa kale oo uu sheegay in geedka Garanwaaga la yiraahdo uu halkaa aad ugu soo badanayo kaasoo dhibaato ku ah degaanka.

Shisheeyaha ayaa marar badan lagu eedeeyay iney dadaal ugu jiraan xaalufinta dhirta wadanka iyo boobka ugaarta si wadanka ay uga dhigaan mid aan xoolo lagu dhaqan karin dadkana ku noolaan karin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular