HomeAll newsMaleeshiyaad Gacansaar Laleh Turkiga oo Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Suuriya.

Maleeshiyaad Gacansaar Laleh Turkiga oo Lagu Dilay Duqeyn ka Dhacday Suuriya.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Maamulka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyaad gacan saar la leh dowladda Turkiga.

13 askari oo uu ku jiro hogaamiye ciidan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeyntaan oo ay fulisay diyaarad kuuca Darone-ka qaraxda ah, taas oo ka dhacday baadiyaha magaalada Cifriin ee dalka Suuriyaa.

Ila wareedyo maxali ah oo ku sugan Mandiqadda ayaa soo sheegaya, in hogaaamiye sare oo katirsan kooxda Feylqush-Shaam oo lagu magacaabo Abuu Hilaal iyo 2 kamid ah ilaaladiisa lagu dilay duqeyntaan laguna dhaaawacay 10 kale.

Waxa ay intaa ku dareen in dhaawacyada loo qaaday xarun caafimaad ay maleeshiyaaadkaan ku leeyihiin magaalada Cifriin ee dalkaa Suuriya, si loola taacaalo xaaladooda caafimaad.

Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, kaas oo ku aaddan duqeynta laa sheegay in diyaaradiisu ay ka fuliyeen gudaha Suuriya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular