HomeAll newsMurtazaqada Fagnar & Millietriga Maali oo Dalkaas ka Geystay Xasuuq Horleh oo...

Murtazaqada Fagnar & Millietriga Maali oo Dalkaas ka Geystay Xasuuq Horleh oo ka Dhan ah Maatida Muslimiinta.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ka jihaada Mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Africa ayaa looga hadlay, xasuuqyo foolxun oo ay ciidanka Xukuumadda Maali iyo Murazaqada Fagnar ka geysteen gudaha dalka Maali.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in muddo isbuuc gudahiis ah ay ciidankaan ku kaceen xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah ee ku dhaqan galbeedka dalka Maali.

“Ciidanka Maali iyo Xaliifkooda Ruushka ee Fagnar ayaa ku kacay 3 xasuuq oo ka dhan ah dadka rayidka ah muddo hal isbuuc gudahiis ah kuwaas oo ay ku dhinteen tobannaan ruux oo Abiryo ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

Xasuuqa koowaad oo dhacay maalintii Arbacada ee 8-da bisha Shawaal, ayaa waxaa geystay ciidamo wada jir ah oo katirsan askarta xukuumadda Maali iyo Murtazaqada Fagnar, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 30 ruux.

Ciidankaan huwanta ah ayaa weerar ku qaaday 3 tuulo oo katirsan gobalka Kolikoro ee ku yaalla galbeedka dalka Maali, iyagoona halkaasi ku dilay 25 ruux oo rayid  ah, kuwaas oo ay ku jiraan dad Abriyo ah oo udhashay dalka Muritaaniya.

Isla maalinkaas ciidamo katirsan kuwa xukuumadda Maali ayaa waxa ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo ku taalla galbeedka dalka Maali, halkaas oo ay ku dileen 8 ruux oo rayid ah.

Sidoo kale waxa ay ciidamada xukuumadda Maali weerar ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Naawiliina, halkaas oo ay ku duleen ugu yaraan 5 ruux, halka ay dab qabadsiiyeen guryaha dadka rayidka ah islamarkaana ay boob kula kaceen xoolo ay lahaayeen dadka rayidka ah.

“Musiibadaan weyn darteed waxaan tacsi iyo sabarsiin udireynaa ehellada dadka ay dhibaatadu gaartay, waxaan Allaah uweydiineynaa inuu ku ilhaamiyo sabar iyo adkeysi, una naxariisto dadkooda la laayay, kana aqbalo shahaadadooda” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee looga hadlayay xasuuqyada ay ku kaceen ciidanka xukuumadda Maali iyo Murtazaqada Fagnar.

Kani ayaan aheyn xasuuqii ugu horreeyay ee ay ku kacaan ciidanka xukuumadda Maali iyo maleeshiyaadka Murtazqada Fagnar ee Ruushku tababartay, balse waxa ay marar badan dalka Maali uga geysteen gaboodfallo xanuun badan oo lagu laayay boqallaal ruux oo Abriyo ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular