HomeAll newsTurkiga oo Billaabay Inuu Xarumaha Ganacsiga ka Fujiyo Boorarka ay ku Qoranyihiin...

Turkiga oo Billaabay Inuu Xarumaha Ganacsiga ka Fujiyo Boorarka ay ku Qoranyihiin Kalimaadka Luqadda Carabiga.

Qaar kamid ah magaalooyinka dalka Turkiga ee ay gudoomiyaasha ka yihiin xubno ka socda mucaaradka wadankaas ayaa billaabay tallaabo lagula dagaallamayo luuqadda Carabiga, iyadoo la beegsanayo xarumaha ganacsi ee ay boorarkooda ku qoranyihiin kalimaadka carabiga.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa ku doodaya in luuqadda Carabiga oo lagu qoro boorarka xarumaha gacansiga iyo waxbarashada uu ka hor imaanayo macaayiirta iyo halbeegyada u degan Turkiga, sidaasi darteedna ay tahay in la zuuliyo wax weliba oo Carabi ah oo kasoo dhex muuqda dalka.

Tallaabadan ayay Turkidu ugu kala qeybsantay labo qeybood, gaar ahaan siyaasiyiintooda isticmaala baraha Internetka, qaarkood ayaa u arkay mid lagu xoojinayo wadaniyadda Turkida, sida ay hadlaka u dhigeen, halka qaarkoodna ku tilmaameen mid lagula dagaallamayo kala duwanaanta Thaqaafadeed ee dalka.

Halkaan ka Dhageyso Warbixin Faahfaahsan

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular