Yuusuf Shaacir oo kamid ah Abwaanada Soomaalida maanta nool kuwooda ugu waaweyn, aqoontana u leh dhaqanka Soomaalida ayaa ka warramay hadal heyn maalmahan ka jirtay barha bulshada oo sheegeysay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku biirayaan dadka hal-doorka ah, gaar ahaan hal-abuurrada.
Isagoo wareysi siinayay mid kamid ah TV -yada Hargeysa ayaa waxaa uu xusay in uusan wali arag Abwaano inta is uruursaday halmar iyagoo wada socda Al-Shabaab ku biiray, balse wuxuu xusay inuu arkay shaqsiyaad la hadal yaho.
Wuxuu tilmaamay in shaqsiyaadkaas kamid yihiin ummadda faraha badan ee Al-Shabaab ku biiray ama ku biiraya, isagoo intaa ku daray in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kamid yihiin aqoonyahano, dhaqaatiir iyo qeybo kale oo bulshada kamid ah.
Sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya dagaaladii ka dhacay ay qeyb ka ahaayeen Abwaanada, tusaale wuxuu usoo qaatay daraawiish iyo sida ay suugaanta ugu adeegsanaysay dagaalka, iyadoo la og yahay in Daraawiishi ay kamid ahaayeen aftahanno waaweyn.
Geesta kale wareysiga laga qaaday ayaa waxa uu ku caddeeyay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney ahayn jamaacadii ugu horreysay ee Islaami ah ee ka jihaada Soomaaliya, wuxuuna soo bandhigat taxane taariikheed oo caddeynaya in ay jihaadka uga horreeyeen Axmad Gurey, Imaaradihii islaamiga ahaa ee ay kamid ahayd Awfaat, Daraawiish, Culimadii Baardheere, Itixaad iyo Maxkamadihii.
Al-Shabaab waxay jamaacaad badan uga duwan tahay, waa in ay muddo dheer dagaalamayso, sida uu sheegay Abwaan Shaacir, wuxuuna dhanka kale hoosta ka xarriiqay in Jihaadku kamid yahay Diinta Islaamka, cidina aaney gaar u lahayn.
Inta uu wareysiga bixinayay waxaa hadalkiisa ku jiray talooyin ku saleysan in colaadaha dalka ka holcaya la joojiyo, Soomaaliduna isku duubnaato.