Muddo 24-saac gudahood ah ayaa mar kale weerar lagu qaaday mid kamid ah xarumaha ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq.
Masuul American ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa shaaca ka qaaday, in weerar loo adeegsaday diyaarad Drone ah lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka Ceynul Asadd ee ku yaalla dalka Ciraaq, isagoo aan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha nafeed iyo kan hantiyeed ee ka dhashay weerarka.
Waa weerarkii labaad oo muddo 24-saac gudahood ah lala beegsado xeryaha ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Mandiqadda, iyadoo weerarkaan kii ka horreeyay lala beegsaday saldhig ay ku leeyihiin xuduudda ay wadaagaan Ciraaq iyo Suuriya.
Galabkii Sabtida ee laasoo ayay aheyd markii weerar nuucaan oo kale ah oo loo adeegsadaay diyaarad Drone ah lagu qaaday isla saldhigga Ceynul Asad ee ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq, kaas oo uu Masuul Ameican ah sheegay inuusan geysan wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed ah.
Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay in ka badan 150 weerar oo loo adeegsaday diyaarado Drones ah iyo Sawaariikh ayaa lagu qaaday xarumo ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbageysiga caalamiga ah ay ku leeyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Weeraradaan oo dhacay xilliyo kala duwan ayaa la rumeysan yahay iney dhaliyeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxana Mareykanka uu qirtay in wax ku dhaw 100 askari looga dhaawacay weerarada, isagoo aan ka hadal tirada askarta looga dilay.