Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in 8 bisha soo socota ee May ay Xasan Sheekh la gali doonto heshiis dhanka qaadka ah, kaasoo wax weyn ka tari doona soo kabashada ganacsatada qaadka iyo kobaca dhaqaalaha guud ee dalkaas.
Mithika Linturi oo ah wasiirka horumarinta beeraha iyo xoolaha Kenya ayaa cod dheer ku sheegay in heshiiskan looga dan leeyahay arrin muhiim u ah shacabka Kenya. “Heshiiskan ayaa looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saleysan ganacsiga qaadka” ayuu yiri wasiirka oo ay hadalkiisa soo gudbisay Kenya News Agency.
Dalagyada laga helo lacagta caddaanka ah ayaa waxa uu ku tilmaamay lafdhabarta dhaqaalaha Kenya gaar ahan gobolka Meru oo ah halka ugu badan ee ay beeraha qaadka ku yaallaan, dadka ku noolna ay ka helaan macaash iyo nolol fiican.
Linturi waxa uu hadalkan ka jeediyay aaska laba gabdhood oo ay dhaleen mas’uuliyiin Kenyaan ah oo ku geeriyooday shil gaari, hadalka ah in bisha soo socota sideedeeda ay heshiis la galayaan Xasan Sheekhna wuxuu ahaa mid uu ugu bishaareynayay dadka gobolkaasi ku dhaqan ee la murugeysan geerida gabdhahaas.
Kenya ayaa Soomaaliya usoo iib geysa qaad aad u badan oo ay ka hesho lacag xooggan oo malaayiin doolar ah, mar walbana waxay ku dadaashaa sidii uu ganacsigan ugu sii socon lahaa. Ganacsigan xaqiiqadiisa waxay dhaqaalayahanadu ku micneeyeen mid lagu kala badalanayo qashin iyo lacag. Dhaqaatiiruna waxay ku tilmaameen ganacsi ay Soomaaliya ku qaadanayso cudurro halis ah, Kenyana ku heleyso caafimaad, maxaa yeelay lacagta Soomaaliya looga diro noloshooda iyo caafimaadkooda ayay ku maareeyaan.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa horraantii bishan u yeeray Xasan Sheekh kadib markii ganacsatada qaadka ee Kenya ay ka cawdeen canshuuraha looga qaado garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana laga soo dhaadhiciyay Xasan inuu canshuurta ka qafiifiyo muwaadiniintaas Kenyaanka ah, waxaana la ballan san yahay 8 bisha soo socota si loo kala saxiixdo heshiis lama taabtaan ah oo ay faa’iido weyn ugu jirto ganacsatada jaadka ee dalkaas.
Siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood waxay sheegeen marar badan in Xasan Sheekh uu qeyb ka yahay ganacsiga qaadka islamarkaana uu sameystay shirkado isaga ka wakiil ah oo Kenyaanka kala wareega muqaadaraadka, kadibna kuwa kabarrada geeya kasii iibsada.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa canshuur isaga u gaar ah ka qaata qaadka, wuxuuna marduufkii ku leeyahay 3 doolar isagoo bishii Ramadaan tagay xajka, kuna dhawaaqay inuu soo cumreystay.