Ciidamada Itoobiya ayaa xadgudubyo ka geystay degaano dhaca qeybo kamid ah xuduud beenaadyada, waxaana dhibka ugu foosha xun laga soo sheegayaa degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan oo xigta dhanka sohdin beenaadka.
Askarta Xabashida ayaa kufsaday 5 kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku nool degmada, kuwaasoo ay sidoo kale kula kaceen dhibaatooyin ay jir dil iyo aflagaado kamid tahay.
Sida ay saxaafadda u sheegeen qaar kamida h haweenkaas oo diiday in la sawiro lana baahiyo codadkooda, ayaa sheegay in isku meel lagu kufsaday, sadax kamid ah haweenkaasna ay yihiin hoyooyin ay midood umul ahayd, labada kalana waa gashaanti ama innamo.
Nin la dhashay mid kamid ah gabdhaha la kufsaday ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in kufsiga uu uga sii xanuun badan yahay hadallada ay ciidamada Itoobiyaanka ku yiraahdeen.
Wuxuu xusay in sarkaal Itoobiyaan ah uu gabdhaha oo barooranaya ku yiri: “idinka ma raggiina ayaad ka caqli badan tihiin, raggiina Soomaaliyeed inta argagixisada ah ma ahane inta kale mar hore ayay isku keen dhiibeen, iyagoo faraxsan ayay noo qabtaan waxaan uga baahano ee idinka maxaa idinku dhacay”.
Hadalkaas ayuu sheegay ninkan dhallinyarada ah inuu aad u xanuunjiyay. Mar aan khadka isgaarsiinta kula xariirnay si aan u wareysano wuxuu naga cudur daartay sababo la xariira ammaankiisa maadaama uu dhax joogo ciidamada Itoobiyaanka.
Falka kufsiga ah ee gabdhaha Soomaaliyeed lagula kacay iyo hadallada jeesjeeska ah ee lagula hadlay ayaa sumcad darro ku ah ragga Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Horey madaxweynaha dalka Uganda ayaa ciidamadiisa ugu khudbeeyay iney ku xadgudbaan gabdhaha Soomaaliyeed, isagoo uga digay iney dhibaateeyaan gabdhaha reer Yuganda, wuxuu yiri: “gabdhaheena noo dhaafa ninkii raba inuu gabar dharbaaxo ha ahaado Soomaaliya”