HomeAll newsAskar Katirsan Boliska Ruushka oo Lagu Dilay Weerar Toogasho ah.

Askar Katirsan Boliska Ruushka oo Lagu Dilay Weerar Toogasho ah.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar toogasho ah oo lala beegsaday ciidamo kolonyo ah oo katirsan xukuumadda Ruushka, kuwaas oo ku socdaalayay qebo kamid ah dalkaas.

Weerarkaan toogashada ah ee ka dhacay gudaha Ruushka, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba xunbood oo katirsan ciidanka boliska Ruushka iyo dhaawaca mid kale.

“Weearka waxaa fuliyay ruux hubeysan oo aan heybtiisa la aqoonsan, isagoona beegsaday ciidamo taabacsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruuhska, xilli ay ku guda jireen waajibaadkooda, waxaa weerarka ku dhintay laba askari oo u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo soo gaaray, halka kan sadexaad oo dhaawac qabana la dhigay isbitaalka” sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska dambi baarista ee mandiqadda uu weerarkaani ka dhacay.

Ruuxa weerarka fuliyay ayaa rasaas oodda uga qaaday ciidanka, isagoona intaaasi kadib furtay qaar kamid ah hubkii ay askarta wateen.

Madaxda Ruushka ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan qaabka uu weerarku udhacay iyo cidda ka dambeysay intaba oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular