HomeAll newsSawaariikh Lagu Garaacay Saldhig uu Mareykanku ku Leeyahay Dalka Suuriya.

Sawaariikh Lagu Garaacay Saldhig uu Mareykanku ku Leeyahay Dalka Suuriya.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in weerar cusub oo Sawaariikh loo adeegsaday lagu qaaday, xarun ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin xuduudda Woqooyi ee ay wadaagaan Ciraaq iyo Suuriya.

Ilaba ila wareedyo oo xagga amniga ah islamarkaana la hadlay wakaaladda wararka ee Reutres ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 5 sawaariikh ah ay kasoo dhaceen degaanka Zamaar si gaar ah itijaaha xarunta ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin halkaas maalintii shalay oo Axad aheyd.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Sawaariikhdaan laga soo tuuray dhanka woqooyiga galbeed ee magaalada Muusil, ayna ku dhaceen xaruntaan ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Mareykanka ayaa lasoo warinayaa iney soo buux dhaafiyeen xuduudda ay wadaagaan wadamada Ciraaq iyo Suuriya, wixii ka dambeeyay markii Sawaariikhda lagu garaacay xarunta.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Mareykanka kasoo gaaraacay weerarkaan Sawaariikhda loo adeegsaday ee lagu garaacay xaruntaas.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan cusub, balse waxaa inta badan weerarada nuucaan ah fulin jiray maleeshiyaad taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

Dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay si xiriir ah kaga dhacayay weeraro loo adeegsanayo diyaarado Drone ah iyo Sawaariikh, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha ciidamada Mareykanka ee ku yaalla wadamadaas.

Marar badan waxaa weeraradaan ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxana Mareykanka uu qirtay in wax ku dhaw 100 askari looga dhaawacay weerarada, isagoo aan ka hadal tirada askarta looga dilay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular