HomeAll newsGudoonka Baarlamaanka Mareykanka oo Sheegay In Taageeradooda Yahuuda Ay Diin Ku Saleysan...

Gudoonka Baarlamaanka Mareykanka oo Sheegay In Taageeradooda Yahuuda Ay Diin Ku Saleysan Tahay.

Gudoonka Baarlamaanka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday taageerada ay siinayaan Yahuuda iney tahay mid ku saleysan diinta, una arkaan waajib ay gudanayaan iney Yahuuda ku garab istaagaan xadgudubka ay u geysanayaan dadka Muslimiinta ah.

Iyagoo ka duulaya arrintaas, waxay golaha Koongareeska Mareykanka cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen lacag Balaayiin doolar ah oo la siinayo Yahuuda oo loogu talagalay iney kusii xoojiso dagaalka iyo gumaadka ka dhanka ah Muslimiinta Falastiin.

Xildhibaanada Mareykanku waxay kulan ka dhacay magaalada Washington ku ansixiyeen lacag dhan 2 bilyan oo doolar oo Yahuuda loogu deeqay si ay dagaalka ugu sii huriyaan, uguna xasuuqaan Muslimiinta Falastiin.

“Diinteena ayaa na amrayso in aan israa’iil taageerno ee ma ahan wax ku xiran rabitaan shakhsiyadeed” sidaasi waxaa yiri Mike Johnson oo ah guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mareykanka oo aad ugu qiireysan kaalmada iyo garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Yahuuda.

Mas’uuliyiinta Yahuuda ayaa kasoo hambalyeeyay tallaabada ay qaadeen walaalhooda Mareykanka, xilli ay jiraan dad Yahuud ah oo kamid ah golayaasha sarsare ee dowladda Mareykanka. Sidoo kale waxaa arrintan ayaa u bogaadiyay shacabka Yahuuda.

Ma jiro maamul ka dhisan wadamada Muslimiinta ee cilaaqada la leh Qaramada Midoobay oo dhaqaale iyo mucaawino ugu deeqi kara dadka maatida ah ee ay Yahuudu duqeynta ku heyso, caruurta gaajada u dhimanaya, iyo dadka dhaawacyada madaafiicda qaba ee ay gantaalada Yahuudu dhibaateeyeen!!.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular