HomeAll newsSaraakiil Katirsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Dagaallo ka Dhacay Yeman.

Saraakiil Katirsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Dagaallo ka Dhacay Yeman.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaallo culus oo ay la galeen ciidanka xukuumadda Yeman looga dilay ugu yaraan 4 kamid ah saraakiishooda, iyadoo laga cabso qabo in dagaalladu ay ku fidaan jabahaad dhowr ah, kadib muddo laba sano oo ay jirtay xabad joojin aan cago badan ku taagneyn.

Wakaaladda wararka Saba ee Taabacsan maleeshiyada ayaa sheegtay in 4-taan sarkaal aas loogu sameeyay degaan katirsan magaalada Sanca ee caasimadda dalkaaas, kuwaas oo lagu dilay dagaallada dhex maray Xuuthiyiinta iyo xukuumadda.

Wakaaladdu ma aysan sheegin tafaasiil ku aaddan goobta iyo xilliga la dilay saraakiishaan katirsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, iyadoo illaa iyo iminka uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay xukuumaddan Yeman oo ku aaddan dagaalladaan.

Mellatariga xukuumadda Yeman ayaa shalay sheegay in dagaallo ay la galeen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay kooxda ku gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyagoo aan bixin tafaasiil dheeraad ah.

Isniintii lasoo dhaafay ergeyga Qaramada Midoobey uqaabilsan dalka Yeman ayaa muujiyay walaac ku aaddan dagaallada dib uga qarxaya dalka Yeman, isagoona ka digay cawaaqibta foosha xun ee uu sheegay iney ka dhalan karaan dagaallada iyo xaaladda amni ee ay ku yeelan karto Mandiqadda.

Dagaalladaan dib usoo cusboonaaday ayaa sidoo kale halis galinaya masiirka xabad joojintii muddada 2-da sano ah laga gaaray dagaalka ku dhawaad 10-ka sano ka socnaya dalka Yeman ee udhexeeya ciidanka xukuumadda oo garab ka helaya isbaheysiga Carbeed ee uu horboodayo maamulka Aala-Sucuud, iyo Maleeshiyadka Xuuthiyiinta ee taageerada ka helaya xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ee gacanta ku haya magaalooyin muhiim ah oo kamid ah dalka Yeman, kuna jirto magaalada Sanca ee caasimadda dalkaas oo ay maamulayaan tan iyo sannadkii 2014-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular