HomeUncategorizedSiyaasiyiinta Mucaaradka Xasan Sheekh oo Dhaqdhaqaaq Ka Wada Nairobi.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Xasan Sheekh oo Dhaqdhaqaaq Ka Wada Nairobi.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa habeenkii xalay ku shiray siyaasiyiinta mucaaradsan Xasan Sheekh kuwooda ugu tunka weyn ee galaangalka ku leh xafiisyada dowladaha reer Yurub iyo ururada ku hawlan siyaasadda Soomaaliya ee halkaas deggan.

Shariif Sheekh Axmad oo soo noqday madaxweynihii KMG, Xasan Cali Kheyrre ra’iisulwasarihii DF, Cabdiraxmaan Cabdishakuur xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, soona noqday musharrax madaxweyne iyo Cabdulqaadir cosoble oo muddo 10 sano ah kasoo mid ahaa xildhibaanada, laba goorna isku soo sharaxay madaxweynaha DF.

Inkastoo kulankoodu uu ahaa mid albaabada u xiran oo aan saxaafadda lagu marti qaadin, haddana xogaha laga helayo dadka ku dhow ayaa sheegaya in xubnahan uu u yeeray Shariif si uu xog uga siiyo shirkii fashilka ku dhamaaday ee dhawaan isaga iyo Xasan Sheekh ku dhex maray Nairobi.

Sidoo kale xubnahan ayaa la sheegayaa in ay shirarkooda sii wadan doonaan, waxaana kusoo biiri doona siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeda Xasan Sheekh iyo sida uu wax u wado.

Xogta ay helayaan oo ah in Xasan uu doonayo inuu muddo kororsi sameeyo, difaacna ka dhigto dowlado shisheeye oo uu dhaqaalaha iyo shidaalka wadanka u saxiixay ayaa ah sababta ay uga soo horjeedaan siyaasiyiintan oo quuddareynaya iney iyaguna mar uun qaadada darsadaan xeerada uu Xasan hadda dul fadhiyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular