War saxaafadeed uu soo saaray midowga Afrika ayaa looga hadlay xaalada kala guurka ah iyo dhaqaalle Lagu bixiyo howlgalka Atmis ee sanadkaan lagu wado in lasoo gaba gabeeyay iyadoo wax natiijo ah laga gaarin ujeedkii ciidamada shisheeye loogu soo diray dalka Soomaaliya.
Ururka ayaa war saxaafadeedka uu soo saaray waxaa lagu weeraray oo dhaleeceyn kulul loogu jeediyay Qaramada midoobay.
Xili lagu wado in bisha ugu danbeysa sanadkaan Askariga ugu danbeeya Atmis inuu ka baxo Soomaaliya dowladda Federaalkuna ay Midowga afrika ka codsatay in lagu dhawaaqo howlgal kale oo ku meel gaar ah ayaa Midowga Afrika wuxuu Arinkaasi ku tilmaamay in xiligaan aysan suura gal aheyn sababo ku aadan dhaqaalle aanan loo heynin howlgalka Cusub.
“Xiligaan Suura gal ma ahan in howlgal cusub looga dhawaaqo Soomaaliya iyadoo aan laheyn qarashka ciidamada ATMIS ee haatan ku sugan Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Afrika oo loo diray warbaahinta Caalamiga ah.
Midowga Afrika ayaa muujiyay in ugu horeyn muhiim tahay in la dhameestiro dhaqaalaha Atmis ka baxan ka hor inta aanan lagu dhawaaqin howgal cusub oo muddo sanad ah islamarkaana ay dalbatay dowladda federaalka kaasi oo ku ekaan doono meello gaar ah.
“Waxaan ka walaacsanahay taageera la’aanta Q.Midoobay ee howlgalka ATMIS suurtagalna ma ahan in howlgal cusub lagu dhawaaqo iyadoo aan ladhameystirin taageerada ATMIS waxaana dareemaynaa in uu jiro degdeg” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay midowga Afrika.
Muddo 17 sanno ah ayaa ciidamo ka socda Midowga Afrika waxay Soomaaliya kula dagaalamayaan xarakada Alshabaab oo mudadaasi nolosha dhaafisay kumanaan katirsan ciidamada shisheeye.
Waxay xiligaan baxayaan iyagoo aanan gaarin guulo la taaban karo Alshabaabna ay ka xoogantahay markii ay dalka imaanayeen ciidamada Amisom.
Midowga Afrika ayaa qoraalka ka muujiyay walaaca ay ka qabaan in Soomaaliya ay ka baxaan Sanadkaan iyadoo wali ay xoogantahay xarakada Alshabaab.
“Arrimahan waxay khasaarin karaan guulihii lagaaray 17-kii sano ee ay ciidamada midowga Afrika ka howlgelayeen Soomaaliya” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.