HomeUncategorizedDhageyso:Maamulka Balcad oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Ammaan ee Balcad.

Dhageyso:Maamulka Balcad oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Ammaan ee Balcad.

Maamulka Magaalada Balcad ee maamul gobaleedka Hirshabeelle ayaa walaac xooggan ka muujiyay culees dhanka Amniga ah oo uu maamulku sheegay in ciidamada Alshabaab ay soo saareen magaaladda xili 26-kii bishii ramadaan mudda saacado ah ciidamada Alshabaab ay heysteen qeybo kamid ah gudaha magaalada.

Gudoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo warbaahinta kasoo Muuqday ayaa tilmaamay inay xoojiyeen heerka feejignaanta ciidamadooda iyagoo doonaya inay ka hortagaan culees dhanka amniga ah oo magaalada ay soo saareen xarakada Alshabaab.

“Degmada Waayahaan Danbe waxay Alshabaab soo saareen Culeys, waxaan dareemeynaa inay heleen dhiig cusub”Ayuu Yiri Gudoomiyaha Balcad.

Maamulka Balcad ayaa sheegay in Alshabaab ay bilaabeen adeegsiga diyaarado ah kuwa loo yaqaanno Drone-ka

“Waxay adeegsadaan drone casri ah oo xiliga saq dhexe ah yimaada,saddex diyaaradood ayaa xalay na dul heehaabayay”ayuu yiri Qaasim Cali Nuur isagoo dowladda iyo maamulka Hirshabeelle uqeylo dhaansaday si ay wax kaga qabtaan xaalada cusub ee kusoo korartay Balcad iyo culeyska maamul ahaan ay dareemayaan.

Halkan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Balcad

Marka laga yimaado warka kasoo baxay maamulka Balcad si dhab ah looma oga cida leh diyaaradaha kuwa basaasa ah ee Drone-ka kuwaasi oo lagu arkay Magaalada Balcad ee shabeellaha Dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular