HomeUncategorizedNin Soomaali ah oo Lagu Dilay Dalka Canada.

Nin Soomaali ah oo Lagu Dilay Dalka Canada.

Wararka imaanaya dalka Canada ayaa ku waramaya in weerar ka dhacay gudaha dalkaasi lagu dilay ruux Soomaali ah.

Ibraahim C/Kariim oo ay da’diisu tahay 30 sano, islamarkaana ah wiil dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Toronto ee gudaha dalka Canada.

Kooxo hubeysan oo aan illaa iyo hadda la aqoonsan ayaa dhowr xabad ku dhuftay Ibraahim, taas oo keentay inuu dhaawac halis ah soo gaaro islamarkaana la dhigo xarun caafimaad.

Boliska xukuumadda Canada ayaa shaaca ka qaaday in Ibraahim uu goor dambe u geeridooday dhaawacii kasoo gaaray weerarka, iyadoo aan la ogeyn cidda dishay iyo sababta ay u beegsatay intaba.

Canada wexey kamid tahay wadamada Reer-Galbeedka ee joogtada ay ka yihiin dilalka loo geysanaayo Soomalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular