Maamulka Isbitaalka Muqdisho oo ku yaalla gobolka Banaadir, agagaarka Baar Ubax ayaa sheegay in uu isbitalka dhibaato ka geystay sarkaal ka tirsan Booliska DF.
Dr Cilmi Yuusuf oo ah agaasimaha guud ee isbitaalka ayaa xusay in sarkaal lagu magacaabo Cali Jareerre uu soo weeraray isbitalka islamarkaana xoog ku qaatay qaar kamid ah qalabkii shaqada.
Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in sarkaalku uu u awood sheegtay ciidamadii ilaalinayay xarunta kadib markii ay ka dalbadeen inuusan la galin hub iyo ciidan.
Cali Jareerre ayaa soo jiiray ilaalada, wuxuu qalqal geliyay bukaanadii isbitalka jiifay iyo hawlwadeenada, kadibna wuxuu qaatay qaar kamid ah agabkii lagu shaqeynayay, sida uu saxaafadda u sheegay Dr Cilmi.
Saraakiisha DF ayaa sidaa u dhaqmaya, waxaana la is weydiin karayaa sida ay u dhaqmayaan ciidanka.