HomeAll newsMuxuu Yahay Weerarka Ay Iiraan Ku Qaaday Yahuuda?

Muxuu Yahay Weerarka Ay Iiraan Ku Qaaday Yahuuda?

Weerarka oo Sawaariikh loo adeegsaday ayaa waxaa lala beegsaday degaanno katirsan dhulka Filastiin ee ku hoos jira gumeysiga Yahuudda, halkaas oo ay ku dhaceen dhowr gantaal.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen gantaallada. Tallaabada ay qaaday Iiraan ayaa ah mid lawada sugayay, taas oo ay sheegtay iney kaga jawaabeyso weerarkii lagu saraakiisha ee ka dhacay Qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donal Trump ayaa sheegay in Markuu ay dileen Qaasim Suleymaani ay lasoo xiriireen xubno katirsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, kuwaas oo ku war galiyay in si ay ulaashadaan sumcadooda ay 18 Sawaariikh ah ku garaacayaan nawaaxiga xeryaya ciidamada Mareykanka, ayna ogaadaan in wax dhibaato ah aysan geysan doonin sawaariikhdaas.

“Iiraan waa dalka Kaliya ee cadowgiisa usheega inuu weerari rabo, sida ay saacado kahor Mareykanka ugu sheegtay in ay Isra’il weerari doonto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Donal Trump Madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Weerarka ay xalay qaadeen oo lagu tilmaamayo inuu masraxiyad isaga eg yahay laguna dhuftay meelo aaney ciidan Yahuudeed iyo shacabba ku sugnayn ayay dowladda IIraan ku wargalisay Mareykanka, waana loo fasaxay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular