Magaalada Kuunyobarrow ee wilaayada Shabeelaha Hoose ayaa waxaa maanta lagu oogay salaada Ciida iyadoo musallaha magaalada ay soo xaadireen dad badan oo kumannaan ah.
Khudbadda ciida waxaa looga hadlay arrimo waaqici ah oo ay kamid tahay arrinta Falastiin iyo gumaadka daran ee ay Yahuudu ku hayaan Muslimiinta ku nool Qaza.