HomeAll newsMaleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Maraakiib Horleh ku Beegsaday Xeebaha Yeman.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Maraakiib Horleh ku Beegsaday Xeebaha Yeman.

Wali waxaa xeebaha Badda Cas ka soconaya weerarada ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee gacan saarka laleh xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ku beegsanayaan Maraakiibta isticmaasha xeebahaas.

Wakaaladda Amniga badaha Ingariiska ee loo yaqaanno “Ambry” ayaa shaaca ka qaaday, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta fuliyeen weeraro ka dhan ah maraakiib isticmaaleysay xeebaha Badda Cas.

Waxa ay wakaaladdu sheegtay in Maleeshiyada Xuuthiyiinta ay laba markab ku weerareen xeebaha dalka Yeman, iyadoo aan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan haddii ay jiraan khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay weerarkaan cusub.

Kol sii horreeysay Kanaalka Al-Masiirah ee taabcsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa baahiyay hadal uu jeediyay Afhayeenka mellatariga Xuuhtiyiinta ninka lagu magacaabo Yaxya Sariic, kaas oo uu ku sheegayo in Maleeshiyadiisu ay tiro Sawaariikh ah la beegsatay Markabka Hope Island ee laga leeyahay dalka Ingariiska, kaas oo ku socdaalayay xeebaha dalka Yeman, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu khasaare geystay.

Waxa uu ku goodiyay iney sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan xeebaha Badda Cas, kuwaas oo ay ku beegsanayaan maraakiibta isticmaasha biyahaas.

Wakaaladda Ammaanka Badaha ee Ingariiska ayaa sidoo kale sheegtay, in ay heshay macluumaadka la xiriira weerar kale oo Markab labaad lagula beegsaday Gacanka Cadmeed, si gaar ah meel ku dhawaad 102 Mile ujirta koonfur-galbeed ee magaalada Mukalla ee dalka Yeman.

“Waxaan maraakiibta kula talinay iney feejignaan muujiyaan, islamarkaana ay nasoo gaarsiiyaan dhaqdhaqaaq waliba oo ay dareemaan oo ku aaddan weerar kusoo wajahan” ayay tiri wakaaladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular