Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa ku waramaya in dad ka badan 150 ruux ay ku dhinteen, iska hor-imaadyo culus oo saacadihii lasoo dhaafaay ka dhacay qeybo kamid ah dalkaas, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada mellatariga Suudaan iyo Maleeshiyaadka gurmdka degdegga ah.
Dagaallada oo dhacay maalin ka hor ayaa lasoo warinayaa iney ku dhinteen ku dhawaad 200 ruux, kuwaas oo u badan dad rayid ah.
Degaannada ay iska hor-imaadyadu ka dhaceen waxaa kamid ah Mandiqadda Al-Faawu, waxaana halkaas lasoo sheegayaa iney ku naf waayeen ku in ka badan 200 ruux oo ay ku jiraan ciidamo katirsan xukuumadda Suudaan iyo Maleeshiyaad iyaga taabacsan.
Warbaahinta gudaha ee Suudaan ayaa soo tabineysa in Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah ay kamiin u dhigeen askar katirsan ciidanka mellatariga Suudaan iyo kooxo iyaga taabacsan, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka waday degaanno katirsan gobalka Al-Jaziira oo ay intiisa badan gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Janjawiidka.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Maleeshiyaadka Dacmu Sariic ay la wareegeen in ka badan 70 gaari oo ay lahaayeen ciidamada mellatariga Suudaan, ayna dab qabad siiyeen 5 kale oo kuwa gaashaaman ah, iyagoo gacanta ku dhigay tobannaan maxaabiis ah, sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen baraha Internetka.
Magaalada caasimadda ah ee Al-Khartuum waxaa iyana laga soo sheegayaa dagaallo udhexeeya ciidamada Suudaan iyo Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 50 ruux.