HomeAll newsWaa Maxay Abaabulka Dagaal Ee Kasoo Cusboonaday Gobolka Siti Ee Soomaaligalbeed?.

Waa Maxay Abaabulka Dagaal Ee Kasoo Cusboonaday Gobolka Siti Ee Soomaaligalbeed?.

Kadib dagaallo culus oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay loogana adkaaday Canfarta, waxaa hadda lasoo warinayaa in dagaalku uu ka gudbay wajigii uu ku socday oo ahaa in ay dagaalamaan wax u eg malleyshiyo beeleed.

Hadda ciidanka Liyuu Booliska Canfarta ayaa dagaalka kasoo qeyb qaadanaya. Taliyaha ciidanka Liyuuga ee Canfarta ayaa sida aan xogta ku heleyno illaa 8 kun oo askari ku daabulay galbeedka gobolka Siti.

Dhanka kale maamulka maqaar saarka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Jigjiga ayaa isna ciidamo Liyu Boolis ah oo aan tiradooda la shaacin ku daabulay gobolka Siti.

Odayaasha Soomaalida ayaa Canfarta ku eedeynaya iney hadda kasoo tallaabeen tuulooyinkii ay Soomaalida ka qabsadeen dhul gaaraya 25 km iyagoo doonaya iney qabsadaan degaano hor leh oo ay Soomaalidu leeyihiin.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa sheegaya in colaada Soomaalida iyo Canfarta ay kamid tahay istaraatiijiyadda dowladda Itoobiya, waayo labada qowmiyadood waa dad muslimiin ah si guud, waxaana laga hortagayaa inuu dhex maro iskaashi iyo xiriir, markaasna ay gees isaga riixaan qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigrega oo iyagu ah dad nasaaro ah.

Dagaalka ay hadda dhiiladiisu muuqato waxaa aad u karkarinaya taliyaha ciidanka dowladda Itoobiya si qowmiyadaha kiristanka loo tuso in colaada aaney u dhaxayn iyaga kaliya balse xataa kuwii muslimiinta ahaa ay isleynayaan.

Dhanka lale dagaalada Canfarta iyo Soomaalida lagu shaabadeynayo ahaa ah kuwa ay jilayaal ka yihiin ciidanka dowladda Itoobiya ee Liyu boolis oo hal meel looga taliyo.

Waxaa ciidankaas caado u ah in marka uu roobku da’o oo abaaraha laga baxayo ay dadka shacabka ah colaad galiyaan, markii ay xabbadu isku duba dhacdana ay dib uga laabtaan, markaas oo ay isgumaadaan reer baadiyaha labada qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular