HomeAll newsKumannaan Amxaaro Ah oo Laga Barakiciyay Binshanguul Gumuz.

Kumannaan Amxaaro Ah oo Laga Barakiciyay Binshanguul Gumuz.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in beegsi xooggan uu ku socdo qowmiyadda Amxaarada, dadkoodana laga soo eryayo dhammaan dhulkii ay xoogga uga qabsadeen qowmiyadaha kale marka laga reebo dhulka Soomaalida oo ay si aad ah ugu sii fidayaan kaniisado xoog lehna uga furan yihiin.

Gobolka Metekel ee Binshangul waxaa degaano ka tirsan ka dillaacay dhowr bilood ka hor jabhado hubeysan oo u istaagay sidii ay dhulkooda uga saari lahaayeen Amxaarada oo muddo dheer dhibaato ku haysay islamarkaana degaansatay.

Amxaarada ayaa horey u qabsaday degaano, tuulooyin iyo dhul beereedyo badan, hase ahaatee bulshada ku dhaqan gobolkaas ayaa u istaagay sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen. Dhallinyarada gobolka Metekel ayaa isku uruursaday buuraha waxaana ay weeraro joogto ah cagta ku mariyeen tuulooyin badan oo ay Amxaaradu si gardarro ah ku dagganayd, dadkeediina horey u barakicisay.

Inkastoo aan laasoo warin tirakoob rasmi ah oo ku aadan khasaaraha dhimasho ee Amxaarada gaaray, haddana waxaa lasoo warinayaa in tuulooyinka laga barakiciyay kumannaan qoys oo amxaaro. Hawlgal kasta waxay malleyshiyada Binshangul ku dilaan markey ugu yartahay 10 illaa 15 Amxaaro ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Todobaadkan billowgiisii waxay hawlgalkii ugu dambeeyay ku dileen 20 qof oo Amxaaro ah. Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ma awoodaan iney ciidamo u diraan dhulkaas oo waxay ka baqayaan in ay kusoo baxdo furin kale, waxayna arrintan xallinteeda ka dalbadeen maamulka Binshanguul oo ay dhallinyaradiisu beegsanayaan Amxaarada.

Maamulka ayaa marar badan sameeyay hawlgallo la sheegay in aysan ku beegsanayn malleyshiyada degaanka balse ay ku qancinayaan Abiy Axmad. Dadkan ku nool Binshanguul ayaa Amxaarada ku eedeynaya iney qabsadeen dhulkooda kadibna xukun iyo xilal uga heleen dowladda Itoobiya.

Maxaa yeelay markey is dooranayaan waxaa wax lagu qiimeeyaa tirada, waxaana dhacday in Binshangulka degaanadooda looga cod bato oo Amxaaradu kusoo baxaan, waana sida hadda ku socota magaalada Jigjiga oo ay aad u degaansanayaan qoysaska Amxaarada.

Madaxweynaha dhulka Bunshangul ayaa sheegay cidda barakicineysa Amxaarada ineysan ahayn malleyshiyadooda oo kaliya balse ay qeybta ugu weyn ku lug leedahay jabhadda Oromada ee OLA.

Maanta ma jiro gobol aan lagu beegsanayn qofka Amxaarka ah oo aan ka ahayn dhulka Soomaaligalbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular