HomeAll newsCiidanka Mareykanka Ee Bankaraf oo 4 Qof oo Beeraley Ah Ku Dilay...

Ciidanka Mareykanka Ee Bankaraf oo 4 Qof oo Beeraley Ah Ku Dilay Jannaale.

Ciidamada uu Mareykanku ku agaarto ee loo yaqaano Bankaraf ama Danab ayaa dad rayid ah xalay ku dilay dhul beereedka degaanka Hantiwadaag oo hoos taga degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

Ciidankan ayaa kasoo duulay saldhigga Ballidoogle oo fadhi u ah ciidanka Mareykanka ee kusoo duulay Soomaaliya, waxaana ay si bareer ah u laayeen dadkan xilli ay beerahooda ku sugnaayeen.

Askartan ayaa caado ka dhigtay mar walba oo ay soo baxaan iney si arxan darro ah u dilaan dadka rayidka ah siiba xoolo dhaqatada iyo beer qodatada.

Odayaasha dhaqanka ee degaanka Hantiwadaag oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay u arkaan weerarkan iyo kuwii ka horreeyay ee rayidka lagu xasuuqay kuwa cadawtooyo.

Dhawaan dowladda Turkiga ayaa duqeyn diyaaradeed ku xasuuqday in ka badan 21 qof oo ahaa dadka beeraleyda ah ee degaanka Baqdaad oo hoos taga Afgooye.

Dadkaas oo dhaawacyadooda la geeyay Muqdisho kana mid ahaayeen caruur iyo haween ayay DF ku tilmaantay iney ahaayeen “argagixiso”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular