Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa kusii badanaya dilalka ay geysanayaan ciidamada DF, kuwaas oo ay kula kacayaan bulshada ku dhaqan gobalka Banaadir.
Maalin waliba waxaa magaaladaan laga soo warinayaa dhibaatooyin nuucyo kala duwan leh oo ay ku kacayaan ciidamada DF, kuwaas oo aysan jirin cid wax ka qabata.
Maalintii shalay waxaa Muqdisho ka dhacay fal dil ah oo uu geystay askari katirsan DF, kaas oo uu kula kacay qof shacab ah, iyadoo tafaasiil laga helayo dilkaas.
Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka la yaab ku noqotay qaabka uu udhacay.
Askariga ayaa soo galay goob timaha lagu jarto, waxaana muran uu dhex maray ninka la dilay iyo askariga, kaas oo ku aaddan cidda ku hormareysa timo jarashada.
Ugu dambeyn askariga ayaa xabbad madaxa kala dhacay ninka shacabka ah, taas oo keentay inuu durba isla goobta ku geeriyoodo.
Tani ayaa muujineysa sida ciidamada DF ay ucaadeysteen daadinta dhiigga dadka rayidka ah, islamarkaana maalin waliba dadka loo dilayo wax aan micno laheyn iyo bilaa sabab intaba.
Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii muuqaal lagu baahiyay baraha internetka lagu soo bandhigay askari katirsan boliska DF oo si qaab daran ula dhaqmaya darawal Mooto Bajaaj.
Askariga oo mootada saarnaa ayaa markii uu ka dego kadib waxa uu lacag baad ah weydiisanayaa darawalka, markii uu ka waayana waxa uu kula dhaqaaqayaa jirdil iyo in qoriga liifkiisa uu ku garaaco, iyadoo waliba ay dadku wada arkayaan.
In askartu ay sii wadaan dhacdooyinka nuucaan ah, islamarkaana ku dhiirradaan in dadka hortooda ay toogasho ka geystaan ayaa waxaa usabab ah, iyadoo aysan jirin askari loosoo qabanayo dad rayid ah oo uu dilay, iska daa in loo qisaaso’e.