Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay sohdimo beenaadyada ay kala dhaxdhigtay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta ay iyadu gumeysato ee NFD iyo gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Kenya waxay sheegtay inay walaac ka muujinayso saameynta amni ee ka dhalan karta tallaabada ay ciidamada shisheeye ee ATMIS uga baxayaan Soomaaliya taas oo kusii kordhin karta dalkooda dagaalada iyo culeysyada ay kala kulmayaan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxay xukuumadda Nairobi aaminsan tahay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay fursad wanaagsan u heleyso hawlgallada ay ka wado Kenya haddii ay ciidamada shisheeye dalka ka baxaan.
Hadalka walaaca ah ayaa waxaa ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha gudaha Raymond Omollo kaasoo wareysi uu siiyay Nation Africa ku sheegay in ay qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka iyo dhammaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo.
Muddo 12 sano ah waxaa xiran xad beenaadka labada dal iyadoo ka hor inta aysan ciidamada Kenya kusoo duulin Soomaaliya uu xadku ahaa mid furan, faa’iidada ugu badanna waxaa ku qabtay dowladda Kenya.
Waxaa gudaha wadankaas ka hawlgala ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo lagu sheego kuwa aad u furfurcoon oo ka tayo badan ciidamada Kenya sida marar badan ay sheegeen falanqeeyayaasha reergalbeedka.