Kadib Go’doon qaatay wax ku dhow hal sano oo ay ku jirtey magaalada Taciz ee dalka Yaman, waxaa maalintii shalay lagu guuleystay in go’doonka laga qaado magaalada kadib markii laga eryey Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta goobo ay horey ugu sugnaayeen.
Ciidamada Xukuumadda Cabdi Rabbi oo kaasahanay kuwa Muqaawamada ayaa ku guuleystay iney magaalada go’doonka ka qaadaan, islamarkaana ay eryaan Xuuthiyiinta sida gardarada ah go’doonka ugu hayay magaalada Taciz ee dhacda koonfur galbeed dalka Yaman.
Muqaawamada iyo Ciidanka Muqaawamada ayaa la wareegay Garoonkii hore iyo Xarunta guutada 35 oo dhaca galbeedka Taciz, waxaana halkaas laga cayriyey Xuuthiyiintii ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay la wareegeen deegaano kale oo dhaca dhanka koonfureed ee magaalada.
Maanta ayaa waxaa magaalada Taciz gaaray gurmad Caafimaad oo ay gaarsiiyeen Hay’ado Maxalli ah, iyadoona intii go’doonku ku jirtey magaalada ay dawo la’aan baahsan lasoo deristay Cisbitaallada ka howl gala magaalada.
Go’doonkan saarnaa magaalada Taciz waxa uu soo jiitay illaa 9 bilood, waxaana uu ka dambeeyey kadib markii Xuuthiyiintu la wareegeen jihooyinka ku hareereysan magaalada Taciz, waxaana haatan Ciidamada Haadi ay ku hanjabeen iney sii wadi doonaan dagaallada illaa magaalada Taciz gebi ahanteeda ay kaga nadiifiyaan Xuuthiyiinta