HomeAll newsTaliska Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Dagaalkii Busleey.

Taliska Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Dagaalkii Busleey.

War saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Busleey ee duleedka magaalada Muqdisho.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in howgal saf ballaaran ah ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Busleey, iyagoo dhinac kale kamaa’in iyo duqeymo ku beegsaday ciidamada Dowladda Federaalka ee jooga deegaanka Jaziira iyo degmada Afgooye.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegtay in dagaalkii maanta ay ku dishey ugu yaraan 57 askari oo ay saraakiil ku jiraan, waxaana kamid ah taliye Liibaan Golcad oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada Booliis Millitaaro, kaasoo ay Mujaahidiintu sheegeen iney ku raad joogeen in muda ah.

Marka laga soo tago ciidanka lagu laayay weerarka, waxaa jira askar kale oo iyagoo nool gacanta lagu soo dhigay, halka ay jiraan gaadiid dagaal iyo saanado hub ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Halkan ka akhriso War saxaafadedka Taliska ciidamada Al-Shabaab.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular