HomeAll newsKorneyl C/qaadir “dadka shisheeyaha u shaqeeya waagii hore waa la dili jiray...

Korneyl C/qaadir “dadka shisheeyaha u shaqeeya waagii hore waa la dili jiray hadase iyaga ayaaba dowlad baan nahay leh”(Maqal)

micSoomaaliya waa qaran dumay shisheeyuhuna ka fa ‘iideystay waxaanuu sameystay adeegayaal u dhega nugul oo wixii uu u diro iyo wax ka badana  u qabanaya.

Dowladda federalaka ah iyo maamul gobaleedyadu waxay ka amar qaataan dowlado shisheeye oo markii hore yagleelka maamuladaan ku lug lahaa.

Korneyl Cabdulqaadir Axmed Nuur oo ka tirsanaa jiray dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in waagii hore dadka daba dhilifka u ah shisheeyaha la toogan jiray iminkase xaalku sidaas ka duwan yahay.

“dadka shisheeyaha u shaqeeya waagii hore waa la dili jiray hadase iyaga ayaaba dowlad baan nahay leh” sidaas waxaa yiri Korneyl Cabdulqaadir.

Wuxuu soomaalida ugu baaqay in ay u is taagaan in ay dalkooda xoreystaan oo ay ku dadalaan in ay afka ciidda u daraan shissheeyaha ku soo duulay.

Dhageyso Wareysiga Korneyl Cabdulqaadir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular