Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay fuliyeen Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee ka howlgala dhulka Jaziiratul Carab, si gaar ah dalka Yeman, kaas oo lagu gubay tiro gaadiid ah.
Weerarkaan oo ahaa mid shiish ah ayaa lala beegsaday illaa 4 gaari oo ay lahaayeen Maleeshiyaadka Murtazaqada Xisaamul Amni ee uu soo tababartay Imaaraatka Carabta, waxaana ka dhashay waxyeello kala duwan.
Gaadiidka lala beegsaday weerarka ayaa kala ahaa 2 gaari oo gaashaaman iyo 3 gaari oo nuuca loo yaqaanno C/Bilaha.
Weerarka oo dhacay darraad ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 1 askari halka lagu dhaawacay laba kale, waxa uuna si gaar ah kaga dhacay togga Waadi Cowmraan ee dhaca Mandiqadda Abyan ee dalka Yeman.
Sawirro ay baahiyeen Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah ee dalka Yeman ayaa lagu arki karaa sawirrada gaadiidka la beegsaday, iyo anfariir ka dhashay weerarka oo soo wajahay Maleeshiyaadka Murtazaqada ah.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah Xamlada Sihaamul Xaq ee ay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah kaga hortagayaan gulufka ay Maleeshiyaadka Murtazaqada Xisaamul Amni kusoo qaadeen degaannada lagu maamulo Shareecada Islaamka ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Yeman.
Hoos ka daawo sawirrada weerar: