Iyadoo marba marka kasii dambeysa ay aad usii kordhayaan tirada ciidamada Yahuudda ee ku le’anaya marinnada ciriiriga ah ee Jiidda Qazza, dagaalkana aanu lahayn rajo iyo ifafaalo cadeyneysa guul iyo inuu soo afjarmo, ayaa waxaa soo baxaya warbixinno horleh oo muujinaya dowrka Maraykanka shacab iyo xukuumadba ay ku leeyihiin gumaadka iyo isir sifeynta lagu hayo walaalaheena reer Qazza.
Warbixin uu baahiyay wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Maraykanka, kana mid ah warbaahinta ugu afka dheer ee dalkaas ayaa lagu sheegay in kumanaan askark oo heysta dhalashada Maraykanka ay qeyb ka yihiin dagaalka ka soconaya Qazza.
Waxay tani ku biireysaa cadeymaha marag madoontada ah ee daaha ka rogaya sida uu Maraykanku kaalinta uga qaadanayo xasuuqa ka dhanka ah reer Qazza, kaasoo lugaha lasii galay bishii shanaad oo xiriir ah.
Wixii ka dambeeyay sabtidii madoobeyd marka loo eego Yahuudda iyo Maraykanka ee 07-dii Octobar oo ay reer Filastiin qaadeen duullaankoodii ugu ballaarnaa ee ka dhanka ah Yahuudda, waxaa garoomada diyaaradaha Maraykanka kasoo kicitamay kumanaan qof oo Ameerikaan ah, kuwaasoo doonaya ka qeybgalka dagaalka ka socda Jiidda Qazza.
Warbixinta Washington Post waxay tilmaameysaa in khasaare ballaaran uu gaarayo muwaadiniinta Ameerikaanka ee qeybta ka ah cudwaanka gardarada ah ee lagu soo qaaday reer Qazza.
Inkastoo 2% ay dadka Ameerikaanka ah ka yihiin nisbada guud ee Yahuudda xooga lagu deegaameeyay dhulka Filastiin, hadana khasaaraha kusoo gaaraya fagaaraha dagaalka ayaa ah mid aad uga badan dadyowga ashaamudka ah ee ay ka dhexeyso boobka muqadasaatka Muslimiinta.
Warbixintu waxay tilmaameysaa in 10% guud ahaan ciidamada Yahuudda ee lagu dilay dagaalka shan bilood jirsaday ee ka socda Jiidda Qazza ay yihiin muwaadiniin Ameerikaan ah, iyadoo ay intaa dheertahay in tobanaan kamid ah maxaabiista lagu hayo Qazza ay Ameerikaan yihiin.
Safaaradda Maraykanka ee magalada gumeysiga kujirta ee Al-Qudus waxay dhankeeda xaqiijisay in tan iyo markii uu billowday dagaalka Qazza ay diiwaan geliyeen in Qazza ay ku dhinteen 23 askari oo u dagaallamayay Yahuudda.
Askartan Ameerikaanka ah ee lagu dilay dagaalka Qazza waxay warbixintu sheegeysaa iney katirsanaayeen laamaha kala duwan ee ciidanka Yahuudda, sida booliiska, milltieriga iyo xitaa Sirdoonka.
Wariyaasha diyaariyay warbixintan ee katirsan wargeyska Washington Post waxay waraysiyo dhaadheer oo kala gaar gaar ah la yeesheen ugu yaraan saddex qoys oo Ameerikaan ah, kuwaasoo xubno kamid ah qoysaskooda lagu dilay dagaalka ka socda Qazza, iyagoo ka barbar dagaallamaya ciidamada arxan laawayaasha ah ee Yahuudda.
Warbixintu waxay iyadoo marmarsiyo u raadineysa in muwaadiniintan Ameerikaanka ah ka qeyb qaataan dagaalka iyo xasuuqa ka dhanka ah reer Qazza, halkaasna lagu dilao, waxay sheegeysaa iney daacad u ahaayeen waxay ugu yeertay qiyamka Yahuudiyada ee ay aaminsanaayeen, iyagoo aan sinaba u eegeynin qaanuunka Ameerikaanka ah ee u diidaya muwaadiniinta wadankaas iney jihooyin shisheeye u dagaallamaan.
Xogta iyo warbixinta uu daabacay wargeyska Washington Post wuxuu hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada, gaar ahaan trendhannada gudaha dalka Maraykanka, waxaana dadka Ameerikaanka ah isweydiinayaan sida ay ku dhici karto dadkooda iney buutka kula tuntaan qaanuunka dalka, oo ay kasoo dagaallamaan dalka dibadiisa, iyagoo difaacayo dano Shisheeye.
Qoraa lagu magacaabo James, oo isticmaala barta X ayaa qoraal uusoo dhigay wuxuu ku yiri “ 10% dadka Yahuudda ah ee lagu dilay dagaalka Qazza waa Ameerikaan! Miyaaney jirin xeerar mamnuucaya in muwaadiniinta ameerikaanka ah ku kacaan gabood fallo banii aadamnimo, xilliga ay u dagaallamayan kayaan ajanbi ah, mise isweydiinnay inta ay la egyihiin muwaadiniinta heysta dhalashada Maraykanka ee xooga ku degan deegaannada reer Filastiin, kuna kacayo tacadiyaad kala duwan” ayuu leeyahay qoraagna Ameerikaanka ah ee lagu magacaabo James.
Haweeney lagu magacaabo Diyaala oo iyaduna Ameerikaan ah waxay iyadoo tacliiq ka dhiibaneysa warbixinta Washington Post isweydiisay in muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah ay iyaguna awood u leeyihiin iney dalka dibadiisa kaga soo qeybgalaan dagaallo ay u arkaan inuu yahay mid muqadas ah.
“ Haddii muwaadiniinta Maraykanka ay suurogal u tahay iney dagaal muqadas ah kaga qeybgalaan Israa’iil, suurtogal ma u tahay muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah iney meelo kale kaga qeybgalaan dagaallo ay iyaguna u arkaan inuu muqadas yahay?” ayay leedahay haweeneydan lagu magacaabo Dayaala.
Haweeenay kale oo iyaduna faallo ka dhiibatay warbixintan waxay leedahay “ maalinba maalinta xigta waxaa soo baxeysa cadeymo muujinaya waxa uu yiri Aaron Boshinal, iyo wax uu u sameeyay falka uu ku kacay” iyadoo ula jeeda askarigii Maraykanka ahaa ee dhawaan isku hor gubay safaaradda Yahuudda ee Washington, isagoo cabasho ka ah gumaadka ka socda Qazza, sida uu hadalka u dhigay.
Wargeys lagu magacaabo Newyork Post ayaa kasoo xigtay nin ay saaaxiibo ahaayeen askariga is gubay, in ciidamo badan oo Maraykan ah ay ka dagaallamayaan Jiidda Qazza, halkaasna ay ku leynayana dadka Filastiniiyiinta ah.
Wargeyska oo aan baahin magaca ninkan laga soo xigtay xogta ayaa wuxuu leeyahay “ saacado kahor inta aanu is gubin ayuu ila soo xiriiray Boshinal, wuxuuna ii sheegay inuu heley xogo cadeynaya in ciidamada Maraykanka ay qeyb ka yihiin gumaadka Filastiiniyiinta Qazza” ayuu leeyahay.
Inakstoo xogahan aaney inta badan baahinin warbaahinta Maraykanka, hadana horaantii dagaalka waxay masuuliyiin Ameerikaan ah sheegeen in ciidankooda ay qeyb ka yihiin dagaalka Qazza, inkastoo markii dambe ay warkaasi si ula kac ah uga gaabsadeen.
Qaar kamid ah dadka Maraykanka ah ee tacliiqaadka ka dhiibanayay warbixintan cusub ee daaha ka feyday in toban boqolkiiba ciidamada Yahuudda ee lagu dilay Qazza ay Ameerikaan yihiin, ayaa codsaday in baaritaanno hufan lagu sameeyay qadiyadan, go’aanno adagna laga soo saaro.
Qaarkood waxay tilmaamayeen inaaney la yaabi doonin haddii Congreska Maraykanku meel mariyay xeer xasaanad siinaya ciidamada Maraykanka ee ka dagalalmaya Jiidda Qazza, si mustaqbalka aaney ula kulmin su’aalo weydiin iyo maxkamadeyn toona.
Halbeegyada aan cadaaladda iyo mandhiqa ku dhisneyn ee ka jira Maraykanka iyo reer galbeedka waxaa kamid ah in muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ka garab dagaallamaya Yahuudda loo aqoonsanyahay halyeeyo lama taabtaan ah, maadaama ay difaacanayaan Yahuudiyadda ay aaminsanyihiin.
Laakiin isla muwaadiniinta Ameerikaanka ee Muslimiinta ah haddii ay kasoo baxaan dalkaas, oo ay yimaadaan caalamka Islaamka, si muslimiinta uga difaacaan duullaannada reer galbeedka, waxaa loo arkaa iney yihiin argagaxiso, iyagoo durba lagala noqonayo dhalashada ama jinsiyadda, laguna baadi goobayo diyaarado drones ah iyo jawaasiis dhulka ah, si adduunka loo dhaafiyo ama gacanta loogu dhigo.