HomeAll newsHalkee buu Marayaa Khilaafka Madaxda Dagaal Oogayaasha ee Yahuudda ah?

Halkee buu Marayaa Khilaafka Madaxda Dagaal Oogayaasha ee Yahuudda ah?

 

Waxaa marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanaya khilaafaadka u dhexeeya hogaanka dagaal oogayaasha Yahuudda ee gumaadaya ehelkeena Qazza, khilaafka ayaana hadda maraya meelihii ugu darnaa, iyadoo ay labo mucaskar kala noqdeen ra’iisul wasaaraha Yahuudda iyo wasiirka xubinta ah golaha wasiirada dagaalka ee Beyni Gantis.

Wasiirka  xubinta ah golaha wasiirada dagaalka ee Yahuudda ayaa lagu wadaa in maalinta berri oo Isniin ah uu kulamo gaar ah oo aanu raalli ka ahayn ra’iisul wasaaraha Yahuudda uu la yeesho masuuliyiin reer galbeed ah oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka.

Masuuliyiin u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa tilmaamay in maalinta isniinta ay kulamo gaar ah oo fool ka fool ah isku arki doonaan ku xigeenka madaxweynaha Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris iyo wasiirka xubinta ah golaha wasiirada dagaalka ee Beyni Gantis.

Shabkaadda CBS ee Maraykanka laga leeyahay oo soo xiganeysa masuuliyin katirsan aqalka cad ee Maraykanka ayaa daabacday in kulanka labada masuul looga hadli doono dagaalka Qazza iyo arimo la xiriira, laakiin ilo wareedkan wuxuu ka gaabsaday inuu cayimo goobta rasmiga ah ee ay ku kulmi doonaan.

Haweeneyda ah ku xigeenka madaxweynaha Maraykanka waxay masuulkan Yahuudiga ah kala hadli doontaa sidii loo dardar gelin lahaa wadahadallada lagu doonayo in lagu saxiixo xabad joojin dhexmarta Muqaawmada iyo Yahuudda, laguna deynayo maxaabisita Yahuudda ee lagu hayo marinka Qazza.

Wuxuu sidoo kale wasiirka xubinta ah golaha wasiirada dagaalka ee Beyni Gantis la kulmi doonaa sida uu qorshuhu yahay la taliyaha amniga Qaranka ee Maraykanka ninka lagu magacaabo Solifan, iyo xubno katirsan aqalka Congreska Maraykanka ee kala matala axsaabta Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah ayuu dagaal ooge Gantis kasoo kicitamay garoonka diyaaradaha ee magaalada Talla’biib, isagoo soo aaday magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka.

Booqashada Maraykanka kadib, wuxuu wasiirkan usii safri doonaa London oo ah caasimadda dalka Ingiriiska, halkaas oo uu kulamo kale kula yeelan doono madaxda dalkaas, kuwaasoo aanu raalli ka ahayn ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Natnayahu, wuxuu amar ku siiyay safaaradiisa dalka Maraykanka inaaney wax adeeg ah iyo so dhaweyn ah siinin wafdiga uu horkacayo dagaal ooge Gantis, taasoo muujineysa sida Natanyahu aanu marnaba raalli uga ahayn safarka wasiirkan.

Idaacadda milliteriga Yahuudda ayaa daabacday in safarka Gantis ee Maraykanka ay ka shaqeeyeen xubno aad uga ag dhow isaga, oo aaney la kaashanin safaaradda Yahuudda ee dalka Maraykanka.

Natanayhu iyo xubnaha ka ag dhow ayaa horey ugu eedayay Gantis inuu u safrayo Maraykanka, isagoo aan heysanin ogolaanshaha ra’isul wasaaraha, uuna doonayo inuu kulamo la yeesho masuuliyiin reer galbeed ah, taasoo ka hor imaaneysa nidaamka maamul ee golaha wasiirada ee Yahuudda.

Wargeyska Yadiicoot Axranoot oo soo xiganaya xubno ka ag dhow Natanyahu ayaa daabacay in Natanyahu uu aad uga carooday safarka wasiirk Gantis uu ku aaday Maraykanka, arinkaas oo uu arkay mid isaga awoodiisa maamul lagu wiiqayo.

Wuxuu Natanyahu tuhunsanyahay in madaxda Maraykanka markii ay ku daaleen siyaasadiisa la xiriirta dagaalka Qazza ay doonayaan iney shakhsiyaad kale sameystaan, kalana shaqeeyaan dagaalka Qazza iyo malafka maxaabiista gacanta ugu jira Muqaawamada.

Bayni Gantis ayaa sida ay muujiyaan aragti uruurin laga sameeyay deegaannada ay Yahuudda xooga ku heystaan, wuxuu yahay ninka keliya ee tartan adag la geli kara  Natanyahu, reer galbeedkana ay ku kalsoonaan karaan haddii ay ka fursan waayaaan in Natanyahu xilka laga tuuro, oo doorashooyin loo dareero.

Wuxuu Bayni Gantis horey usoo noqday taliyaha ciidamada Yahuudda iyo wasiirkii gaashandhiga, wixii ka dambeeyay 07-dii Octobar oo uu dhacay howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa ayuuna kamid noqday gole wasiiro oo dagaal oo ay ku midoobeen Natanyahu iyo mucaaradkiisa.

Booqashad Gantis ee Maraykanka waxay imaaneysaa iyadoo aad loo hadal hayo heshiis dhexmara Muqaamwada Filastiin iyo Yahuudda, kaasoo suuragelinaya sida wararku sheegayaan in xabad joojin lagu dhawaaqo, maxaabiisna la isdhaafsado.

Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Al-Qaahira ku sugan wafdi ka socda Muqawamada Filastiin, waxaana warbaahinta qaar ay tilmaamayaan in badi qodoabadii lagu muransanaa xal laga gaaray, waxa la sugtana ay tahay in heshiiska lagu dhawaqo maalmaha soo socda kahor inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxda Yahuudda ayaa inkastoo ay muujinayeen bilihii laso dhaafya midnimo waxba kama jiraan ah, waxay hadda wajahayaan xaalad adag oo khilaaf dhexdood ah, waxaana badankood ay ku daaleen dagaalka, iyagoo doonaya in heshiis xabad joojin ah la saxiixo.

Laakiin Natanyahu oo arka in mustaqbalkiisa siyaasadeed ee mugdi kujiro marba haddii uu soo idlaado dagaalka Qazza, ayaa diidan wax weliba oo suurogelin kara in dagaalka lasoo afjaro, maadaama uu dareemayo in kursiga uu kusii fadhin kar inta uu dagalka Qazza socdo.

Halkan ka dhagayso Warbixin booqashada Gantz ee Maraykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular