Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa tilmaamaya in qarax lagu weeraray bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka.
Qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Tabeellaha Sheekh Ibraahim, waxaana goobta ku dhintay ugu yaraan 3 askari.
Qarax midkaas lamid ah ayaa lagu weeraray goob ay ciidamada Dowladda Federaalka kaga sugnaayeen xaafadda Sarkuusta oo kaabiga ku heysa isgoyska Ex Contorool Afgooye.