Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Gedo ayaa riday xukun “Xaddu Riddo ah” oo lagu fuliyay xubno katirsanaa sirdoonka Maraykanka iyo kan maamulka Koonfur galbeed.
Bashiir Xasan Cabdi oo loo yaqaanno Qudaama, 39 sano jir ah, wuxuu katirsanaa sirdoonka Maraykanka.
Cabdsi Cusmaan Rooble oo loo yaqaanay Cabdi Gaabow, 32 sano jir ahaa, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur galbeed.
Cali Bakar Cusmaan, 37 sano jir ahaa, wuxuu katirsanaa sirdoonka Maraykanka.
Maxamed Cali Maxcamed oo loo yaqaanno Maxamed Amiin, 26 sano jir ahaa, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
Dhamaan xubnahan afarta ah ayay Maxkamadda Islaamiga ah ku riday xukun dil toogasho ah, iyadoo lagula fuliyay fagaare ku yaala deegaan hoostaga magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.