Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa soo saaray bayaan tacsiyo ah oo ku aadan geerida Sheekh Muxamad Ad-Dawaahiri, oo ahaa da’da ka yar Sheekh Ayman Ad-Dawaahiri, kaasoo dhawaan ku geeriyooday wadanka Masar.
Bayaankan oo ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim, waxay hogaanka Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ku direen tacziyo ku socota guud ahaan umadda muslimka ah, Mujaahidiinta iyo ehellada sheekha geeriyooday.
“ Waxaa umadda muslimka ah iyo Mujaahidiinteedaba ku habsaday musiibo weyn, oo ka dhigan geerida nin rajul kamid ah rijaasheeda, oo ah Engineer Muxamad bin Muxamad bin Rabiic Ad-Dawaahiri, kaasoo maalintii Talaadada 3 Shacbaan 1445 ku dhintay magaalada Al-Jiiza ee Masar oo ahayd halka uu ka dhashey, kadib cimri dheer oo dhaafay 70 sano, oo uu ku bixiyay u adeegidda diintiisa, iyo umadiisa muslimka ah” ayaa lagu yiri qeybaha hore bayaanka kasoo baxay Al-Qaacidada Jaziiratul Carab.
Waxaa bayaanka lagu soo hadal qaaday qoyska uu kasoo jeedo Sheekh Muxamad Ad-Dawaahiri, gaar ahaan awoowyaashii dhalay aabihii iyo awoowyaasha hooyadii, kuwaasoo looga marqaati kacay iney ahaayeen aqoonyahanno isku darsaday cilmiga Shareecada iyo culuumta maadiga.
“ Awoowga aabihii, waa Sheekh Al-Axmadi Ad-Dawaahiri, wuxuu kamid ahaa mashaa’ikhdii Al-Azhar, isagoo lagu naaneesi jiray Sheykhul Islaam, awoowga hooyadii waa Diktoor Cabdul Wahaab Cazzaam, oo ahaa hormuudka kulliyadda Aadaabta iyo madaxiii hore ee jaamacadda Al-Qaahira, amaa aabihii Muxamad bin Rabiic Ad-Dawaahiri wuxuu ahaa hormuudka kulliyadda Caafimaadka ee jaamacadda Ceynu Shamsi” ayaa lagu yiri bayaanka mar laga hadlayay aqoonta iyo maqaamka ay lahaayeen qoyska barakeysan ee Sheekh Muxamad Ad-Dawaahiri.
Marka laga hadlayo aqoontii diineed iyo waxqabadkii uu ku tilmaamnaa Engineer Sheekh Muxamad Ad-Dawaahiri, wuxuu bayaanka kasoo baxay Al-Qaacidada Jaziiratul Carab tilmaamayaa in sheekhu maktabadda Islaamiga ah kusoo daray mu’allafaat muhiim ah oo ka qeyb qaatay in dhalinyarada Muslimiinta la kobicyo aqoontooda diineed, lagana towjiihiyo masaa’il muhiim ah, taasina waxay keentay in dhalinyaradu ku baraarugaan muhiimadda ay leedahay ka horatga xarakaatka Cilmaaniyadda u ololeeya ee kajira dunida muslimka.
Mar laga hadlayay culimada uu sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri cilmiga shareecada ka qaatay, waxaa kamid ahaa Sheekh Cabdil Muxsin Al-Cabbaad, Sheekh Safar Al-Xawaali, Sheekh Al-Kharbuush oo ahaa imaamkii masjidka Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Sheekh Muxamad Ad-Dawaahiri Raximahullaah, wuxuu sidoo kale kamid ahaa golaha shuurada ee jamaacadii Al-Jihaad Al-islaami ee ka jirtay dalka Masar, markii dambena usoo guurtay Afqaanistaan iyo Suudaan.
Marka laga hadlayo juhuuda ballaaran iyo dadaallada lagu xusuusanayo Sheekh Muxamad Ad-Dahaari, bayaankana lagu sheegay waxaa kamid ahaa kaalinta uu ka qaatay taakulada iyo taageerada muslimiinta Albaaniya iyo Kosofo ee wajahayay duullaanka Serbiyiinta
Dowladda Albaaniya oo kaashaneysa sirdoonka Maraykanka ayaa howlgallo raaf ah ka sameysay dalka, kuwaasoo ay ku raadineyso ducaadda Muslimiinta ee taageerada iyo garabka u ahaa muslimiinta, waxaana xilligaas uu sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri isaga soo cararay dalka Albaaniya.
Isagoo maraya dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka ee dalkaas, mudo kadibna waxaa sheekha iyo 8 kamid ah walaalihiisa Mujaahidiinta loo gacan geliyay xukuumaddii Masaarida, halkaas oo ay ku wajaheen axkaam jaa’ir ah oo u dhexeysay dil toogasho ama xabsi daa’in.
“ Wuxuu tusaale u ahaa akhlaaqda, dulqaadka iyo sabarka, isagoo imtixaanno badan kula kulmay xabsiyada Imaaraatka iyo Masar, wuxuu la kulmayay intii uu noola noocyada kala duwan ee tacdiibka jireed iyo midka nafsiga, dunidana wuxuu ka tagay isagoo noloshiisu ay weli ku xirneyd xabsiyada, maadaama qasab looga dhigay in habeen kasta uu kusoo hooydo saldhiga booliiska ee magaalada, maalinkiina uu xaafadiisa aado, Alle ha u naxriisto naxriis ballaaran, wuxuu ahaa jabal aan u hogan cadowga, ku sugan mabda’ Jihaadka, cadeynta Xaqqa iyo u hiilinta qadaayaatka umadda muslimka a”” ayaa lagu yiri bayaanka taczida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, loogana tacsiyeeyey geeridii ku timid sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri oo ah da’da ka yar Sheekh Ayman Ad-Dawaahiri.
Dhawaan ayay ahayd markii uu dalka Masar ku geeriyooday sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri, oo kamid ahaa culimada ku camal fala cilmigooda, waqtigiisa ugu badanna u huray Islaamka iyo Muslimiinta.
Sheekha ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu la noolaa xanuuno kala duwan, isagoona habeen weliba ku qasbanaa inuu ku hooydo saldhiga booliiska, taasoo ka dhigan in weli uu maxbuus ahaa, maadaama aanu heysanin xorriyad buuxda.
Waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey shakhsiyaad isuga jira aqoonyahanno iyo culimada diinta Islaamka, Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaana noqonaya jamaacadii ugu horeysya ee Jihaadi ah ee ka tacsiyeysa geerida sheikh Muxamad Ad-Dawaahiri Raximahulllaah.
Dhagayso Bayaan Taczi- Sheekh Muxmad Ad-Dawaahiri- AlMALAAXIM