HomeAll newsDagaallo xoogan oo Diyaaradaha Carabtu ka qayb galeen oo ka dhacay magaalada...

Dagaallo xoogan oo Diyaaradaha Carabtu ka qayb galeen oo ka dhacay magaalada Cadan ee dalka Yaman.

441Dagaallo kuwii ugu xooganaa oo tan iyo markii Xuuthiyiinta laga saarey Cadan aan ka dhicin ayey marti gelisay magaalada maalintii shalay oo sabti ah, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Xukuumadda Haadi iyo rag la rumeysan yahay iney katirsan yihiin Mujaahidiinta Al-Qaacida.

Ciidamada Xukuumadda Cabdi Rabbi ayaa weerar kusoo qaaday xaafadda Al-Masnuura ee magaalada Cadan, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyanno Islaamiyiin ah waxaana goobta ka dhacay dagaal faraha looga gubtey.

Ciidamada Haadi ayaa sida muuqata waxay doonayaan in magaalada Cadan ay ka saaraan Mujaahidiinta ku sugan waxaase arinkaas sinnaba u ogolaaneyn Mujaahidiinta oo dagaal ka xiga.

Diyaaradaha Taxaalufka Carbeed ayaa duqeymo arxan darro ah oo xoogan waxay ka fuliyeen Xaafada uu dagaalku ka socday iyagoo garab istaagaya maleeshiyaadka Xukuumadda Haadi.

Labada dhinac waxaa soo kala gaaray dhimasho iyo dhaawac, balse faafaahin rasmi ah kama aan helin, waxaa sidoo kale jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Alqaacidada Yaman kaas oo lagu xaqiijinayo ama lagu diidayo in dagaalkii ka dhacay Cadan ay ku lug leeyihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular